4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 28, 2013
Wasirka Arrimaha Gudaha Somalia oo Faahfaahin kooban ka bixiyay kulammo kala duwan oo ka dhacay Kismaayo


Khamiis, Maarso 28, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed oo ka mid ah wafdiga uu horkacayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay kulammo ay la yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo waxgaradka.

Wasiirka ayaa sheegay in wadahadalladii dhacay ee ay la yeesheen qaybaha bulshada iyo maamulka looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen sidii maamul rasmi ah loogu sameyn lahaa Jubbooyinka, dhaqan-gelinta nidaamka federaalka, iskaashiga ammaanka, dhaqaalaha, gaar ahaana dakhliga kasoo xarooda dekedda iyo garoonka Kismaayo iyo qodobo kale, iyadoo wasiirku uu sheegay in natiijada rasmiga ah ay warbaahinta u sheegi doonaan marka ay soo dhamaadaan kulamadan.

Guddiyada matalaya labada dhinac ayaa waxaa kala hoggaaminaya wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga C/kariin Guuleed, halka dhanka maamulka KMG ah ee Kismaayo uu hoggaaminayo Macallin Maxamed.

Wasiirka ayaa dhanka kale, xusay inay jiraan ifafaalooyin wanaagsan oo ku aaddan in wadahadalladani ay kusoo dhamaadaan is faham iyo is-afgarad, isagoo shacabka ka codsaday inay taageeraan go'aannada la gaaro.

Dhanka kale, waxaa jiray kulan ay yeesheen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo guddoomiyaha maamulka KMG ah ee Kismaayo, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) kaasoo looga hadlay habka maamul u sameynta Jubbooyinka, kaasoo aan wax natiijo ah laga gaarin.

Maanta ayaa lagu wadaa inay labadan mas’uul kulammo kale oo ku saabsan habka maamul u sameynta Jubbooyinka ku yeeshaan Kismaayo, iyadoo ay dhinacyadu dadaal ugu jiraan dhameynta khilaafkii ku saabsanaa maamul u sameynta Jubbooyinka ee horay u soo dhexgalay dowladda iyo Raaskambooni.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya