4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2013
Hay’adda IIDA iyo ILO oo Muqdisho ku Qabtay Dabaal-degga Bishii Ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed (SAWIRRO)


Arbaco, Maarso 27, 2013 (HOL) — Hay’adda caalamiga ah ee shaqada (ILO) iyo hay'adda horumarinta haweenka Soomaaliyeed ee IIDA ayaa maanta ku qabatay Muqdisho dabaal-deg loo sameeyay bisha ganacsiga haweenka Soomaaliyeed, Women Entrepreneur (MOWE). Waxaana halkaas lagu soo bandhigay ganacsiyo yaryar iyo kuwo dhexe oo ay haweenku ka shaqeystaan oo soo jiirtay dadkii kasoo goobtaas ku sugnaa.

Goobta uu dabbaal-deggu ka dhacay oo ahayd hoteelka Safari ayaa waxaa lagu soo bandhigay khudaar kala duwan, ganacsiyo uu ka mid yahay dharka, gaar ahaan kuwa gacanta lagu sameeyo, bagaashka, caanaha, ukunta, cajiin iyo waxyaabo kale oo fara badan. Iyadoo halkaas ay hadallo ka jeediyeen mas'uuliyiin ka kala socday IIDA, ILO, baarlamaanka Soomaaliya, Rugta ganacsiga Soomaaliyeed iyo xubno kale oo uu si weyn u ammaanay bandhigga.

Haweenka Soomaaliyeed waxay udub dhexaad ahaayeen ganacsiga Somalia tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxayna hadda leeyihiin ganacsiyo ay faa’iidooyin aan lasoo koobi Karin ka heleen. Waxayna taasi haweenka u soo jiidday ammaan dhinaca ganacsiga iyo shaqada ah.

Nasro Weheliya Maalin oo ah haweeneyda keliya ee ka mid ah mas’uuliyiinta sarsare ee shirkadda Nationlink ayaa sheegtay in abuuridda howshan ay kala kulantay faruuq, balse ay markii dambe ku guuleysatay inay wax ka abuurto shirkaddan sannadkii 1997-kii.

“Haweenka Soomaaliyeed aad ayay ugu yar yihiin ganacsiyada waaweyn, aad ayay u adag tahay inaad ku aragto iyagoo jooga heerka go’aan bixinta,” ayay tiri Nasro Maalin oo hadalkeeda ku dartay: “Aniga waa la i soo diyaariyay… maxaa yeelay markii aan yaraa waxaan la shaqeyn jiray qoyskayga oo ganacsato ah, waxaana ka bartay sida fikir madaxbannaan loo qaato.”

Sidoo kale, Nasro waxay haweenka kale kula dardaarantay inay raadiyaan sidii ay ku abuuri lahaayeen fursado shaqo ayna iyaga isku kaalmeeyaan. Iyadoo xustay inaysan haweenku ku fikirin in dhibaatooyin ay ka horimaan karaan. 

Barnaamijka ganacsiga haweenka Soomaaliyeed ayaa waxaa maalgeisay hay’adda UN Women, si haweenka loogu sameeyo shaqooyin, gaar ahaan kuwa ku jira xeryaha barakacayaasha Muqdisho, kuwaasoo qaarkood lagu guuleystay in la baro habka maareynta ganacsiga.
















Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya