4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2013
Maamulka KMG-ka ah ee Degmada Kismaayo oo ka Warbixiyay Ammaanka iyo Shirar ka soconayo Magaaladaas
Arbaco, 27 Maarso, 2013(HOL) :- Maamulka KMG ee magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay xaaladda ammaan ee magaalada Kismaayo iyo weliba shirar ay mudooyinkii u danbeeyay gudaha magaalada kismaayo ku qaadanayeen wafdi ka socday dowladda Soomaaliya oo uu horkacayo ra'isul wasaaraha Soomaaliya iyo masuuliyiinta maamulka KMG ee kismaayo.

Afhayeenka maamulka KMG ee Kismaayo C/naasir Seeraar Maax oo maanta shir jaraa'id ku qabtay gudaha magaalada ayaa sheegay in xaaladda ammaan ee magaalada kismaayo ay tahay mid aad u wanaagsan, isagoona beeniyay warar uu sheegay in la isla dhexmarayo oo tibaaxaya in ammaanka Kismaayo uu qal-qal ku jiro.

Masuulkani ayaa sheegay in ay soconayaan shirar u dhexeeya wafdigii ka socday dowladda Soomaaliya iyo maamulka ka jira Kismaayo, wuxuuna intaa ku daray in la magacaabay guddiyo farsamo oo labada dhinac ah, kuwaasoo ka doodaya arimo ku saabsan ajendayaashii halkan loo yimid.

"Magaalada nabadgalyadeeda aad bay u fiicantahay, waxaan maqlayay warar sheegaya in magaalada amnigeeda uu qal-qal ku jiro, isfahan darro inay jirto waan maqlay, waxaan idiin xaqiijinayaa umadda Soomaaliyeed u sheegayaa halkan wixii loo yimid processkiisii weli wuu socdaa, waxaa la sameeyay gudiyo farsamo oo labada dhinac ka kooban," ayuu hadalkiisii raaciyay.

Mr. Seeraar ayaa sheegay in dhinacyada uu wadahadalka u dhexeeyo ay yihiin xubno katirsan masuuliyiinta maamulka Kismaayo iyo gudigii farsamo ee shirka maamul u sameynta Jubooyinka oo wada jira iyo xubno ka socda dowladda Soomaaliya, wuxuuna intaa ku daray in ay saxaafadda usoo bandhigi doonaan waxyaalihii kasoo baxa.

Hadalkan kasoo yeeray afhayeenka maamulka KMG ee Kismaayo C/naasir Seeraar ayaa kusoo beegmaya xilli gudaha magaalada Kismaayo uu ku suganyahay ra'isul wasaare Saacid iyo wafdi uu hogaaminayo, kuwaasoo mudooyinkii u danbeeyay kulamo ay ilbaabada u xiranyihiin la lahaa masuuliyiinta ugu sareeysa ee maamulka KMG Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya