4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2013
SHEEKH CALI DHEERE: “Deegaannadii ay qabsadeen ciidamada shisheeyaha ah waxay ku noqdeen xeryo ay ka bixi waayeen”


Arbaco, Maarso 27, 2013 (HOL) — Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ka warbixiyay xaaladda dalka iyo dagaallada ay kula jiraan dowladda iyo caawinaya iyo la wareegistii degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Sheekh Cali Dheere wuxuu sheegay in dullaannadii lagu qabsaday sannadkii iyo barkii lasoo dhaafay deegannadii ay ka talinayeen uu ahaa duullaan lasoo qorsheeyay oo lagu doonayay in lagu dumiyo in la isku xukumo shareecada Islaamka iyo meesha laga saaro horumarka ay dadka muslimiinta ah ku tallaabsanayaan.

“Weerarradii lagu soo qaaday deegaannadii ay Al-shabaab ka taliso waxay ahaayeen kuwo lagu guul-darreystay, kuwii qabsadayna jidadka si saani ah uma mari karaan, isagman gudbi karaan laba magaaalo oo isku xiga illaa ay ku tagaan gaadiid gaashaaman ama diyaarado,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenku wuxuu hadalkiisa ku daray in magaalada Xudur oo ka mid ah kuwii horay looga qabsaday ay iyagu dib ula wareegeen ayna ka taliayaan taasoo uu ku sheegay inay caddeyn u tahay guul-darrada kasoo gaartay dagaallada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa caawinaya.

Waxaa uu sheegay in Alle u suura geliyay in Mujaahidiinta si adag uga hortagaan, taasna ay sabab u noqotay in meelihii ay qabsadeen ay noqdaan xero ay ku jiraan kaliya, dagaalkuna uu mar walba ku socda.

“Deegaannadii la qabsaday waxay noqdeen xeryo ay ciidamada qabsaday dhanna uga bixi waayeen. Innagana waxaa inoo suurogashay in goobahaas qaarkood aan si toos ah uga shaqeeyaan amarradooda, sida ku dhaqanka shareecada islaamka,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Ugu dambeyn, afhayeenka Al-shabaab wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan howgallada ay kula jiraan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa gacanta siinaya, isagoo sheegay in guulaha ay gaareen xoogaggoodu ay ka mid tahay inay la wareegeen degmada Xudur.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya