4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2013
Xarrakada Al-shabaab iyo Kooxda Raas-Kambooni oo Guulo Ka Kala Sheegtay dagaal ka dhacay Degmada Afmadow


Arbaco, Maarso 27, 2013 (HOL) —Al-shabaab iyo Raaskabooni ayaa guulo kala kala sheegtay dagaal shalay ka dhacay degmada Afmdow ee gobolka Jubbada Hoose oo ay Al-shabaab gudaha ugu gashay degmadaas kuna sugnayd muddo kooban.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ayaa haddana warar ka madaxbannaan labada dhinac waxay sheegayaan inay ku dhinteen in ka badan 10-qof oo labada dhinac ah tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka howgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay in xoogaggooda ay u suurogashay inay gudaha u galaan degmada ayna markii dambe si iskood ah uga baxeen.

“Dagaalku wuxuu ka billowday duleedka magaalada Afmadow, mujaahidiinta waxaa u suurogashay inay gudaha u galaan degmada, ciidamadii halkaas ku sugnaa waxay isku dayeen inay saldhigga difaacdaan balse waa laga saaray waxayna u carareen saldhig ay Kenya ku leedahay duleedka degmada,” ayuu yiri Abuu-Muscab.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inay khasaare nafeed oo kala duwan u geysteen ciidamadii halkaas ku sugnaa, ayna gellinkii dambe go’aansadeen inay si iskood ah uga baxaan degmada, isagoo aan sheegin khasaare dhankooda soo gaartay.

Dhanka kale, afhayeenka kooxda Raaskambooni, C/naasir Seeraar Maax oo isaguna ka hadlay dagaalka ayaa xaqiijiyay in xoogagga Al-shabaab ay gudaha u galeen degmada, balse aysan qabsal saldhigga isagoo xusay inay markii dambe xoog kaga saareen degmada Afmadow.

“Al-shabaab gudaha ayay u soo galeen degmada, ciidamadeenna ayaana dib uga saaray, waxaana degmada ay hadda gacanta ugu jiraa ciidamadeenna,” ayuu yiri C/naasir Seeraar oo sheegay in dhankooda ay kaga dhaawacmeen saddex askari, balse ay Al-shabaab kaga dileen dagaalkaas dagaalyahanno fara badna.

Degmada Afmadow ayaa dhowr jeer hore waxaa gacan ku haynteeda la wareegtay Al-shabaab, iyadoo degmadan ay ahayd degmadii ay dagaallada ugu badan ku dhexmareen ciidamada Kenya, Al-shabaab kuwa dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya