4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2013
Hay’adda Human Rights Watch oo sheegtay in Ciidamada Dowladda ay Kufsi u geystaan Haweenka Barkacayaasha ah


Arbaco, Maarso 27, 2013 (HOL) — Warbixin ay soo saartay Hay’adda xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in ciidamda dowladda iyo dabley hubeysan ay kufsi u geystaan haweenka ku jira xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla Muqdisho, iyadoo dowladda ka dalbaday inay ka shaqeyso sidii ammaanka barakacyaasha loo xaqiijin lahaa.

Hay’addu waxay sheegtay in dhibaatooyinka ugu badan ay geystaan kooxo isku xiran oo ay ku sheegtay ciidamada dowladda, dabely taabacsan iyo horjoogayaasha kaamamka ay geystaan dhibaatooyinka.

Warbixinta hay’adda oo ka koobnayd 80-bog ayaa waxaa laga soo ururiyay 70-qof oo wareysiyo kala duwan lala yeeshay, iyadoo ha’yaddu sheegtay inay jiraan dhibbanayaal badan aysan dhibaatadii gaartay sheegi Karin sababo la xiriira inay ka baqayaan in aargoosi ay u geystaan kooxihii markii hore dhibaateeyay.

“Dhibbanayaasha aan sheegin wixii loo geystay waxay kaloo ka baqayaan in lagu ceebeeyo bulshada dhexdeeda, taasoo hakisay in dhibbanayaal badan ay sheegi waayaan gabood-falladii loo geystay,” ayaa lagu yiri warbixinta ay soo saartay HRW.

Sidoo kale, hay’addu waxay sheegtay in dadka dhibaatada loo geystay ay yihiin kuwii caasimadda soo gaaray 2011 xilliyadii ay dhaceen abaaro aad u daran oo sababay macluusha, dadkaasna ay filayeen inay nabad–galaan balse ay la kulmeen dhibaatooyin.

Hay’addu waxay ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay wax ka qabato guul-darrooyinkii ayna k shaqeyso badbaadinta dadka barakacayaasha ah ayna la xisaabtanto xubnaha ciidamada dowladda ka tirsan ee dadka kale ee mas’uulka ka ah kufsiga.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in haweeney iyo gabadheeda oo uur leh ay mar qura kufsadeen saddex ka mid ah askarta ciidamada dowladda oo hub sitay, iyadoo sheegtay in dhibaatooyin badan loo geystay.

Haweeney kale oo magaceeda kusoo koobtay Sacdiyo ayaa iyaduna HRW u sheegtay in la kufsaday lagana toogtay mid ka mid ah lugaheeda, iyadoo ku sheegtay hadalkeeda in kufsiga iyo xabbadu ay isku xanuun ahaayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin warbixinta ay hay’adda xuquuqda aadanaha ee HRW ku sheegtay in ciidamada dowladda ay weli kufsi ka geystaan xeryaha ay ku jiraan barkacayaasha ee ku yaalla Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya