4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 26, 2013
Wafdi uu Hoggaaminayo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo [SAWIRRO]



Talaado, 26 Maarso, 2013(HOL) :- Waxaa maanta magaalada Kismaayo soo gaaray wafdi uu horkacayay ra’isul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyadoona ra'isul wasaaruhu ay safarkiisa ku wehlinayeen masuuliyiin uu kamid yahay wasiirka warfaafinta Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi.

Wafdiga ayaa markii uu soo gaaray garoonka diyaaradaha Kismaayo waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiinta maamulka KMG Kismaayo iyo dadweeyne aad u fara badan oo isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada.

Garoonka ayaa lagu soo bandhigay ciyaaraha ay caanka ku yihiin gobollada Jubooyinka iyo Gedo, waxaana sidoo kale dadkii halkaasi ku sugnaa ay ku labisnaayeen dhar ka sameysan calanka iyo weliba labiska hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Ra’isul wasaare Saacid ayaa gudaha garoonka salaam sharaf uga gudoomay cutubyo katirsan ciidamada xoogga dalka, waxaana intaasi kadib loo soo gelbiyay gudaha magaalada, iyadoona ay la socdeen ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM.

Wafdiga oo ay wehlinayeen masuuliyiinta ugu sareeysa maamulka KMG ee Kismaayo ayaa lagu dajiyay Hotel Tawakal oo ay hore ugu sii sugnaayeen xubno katirsan golaha wasiirada oo dhawaan soo gaaray magaalada,

Intaas kadib ayaa kulan ay dibad joog ka ahayd saxaafadda waxa halkaasi ku qaatay wafdigii ka socday dowladda iyo masuuliyiinta maamulka KMG, waxaana ilaa imika la garanayn waxa ay uga hadleen kulankooda.

Gabagabadii kulankooda ayaa waxa saxaafadda la hadlay gudoomiyaha maamulka KMG ee Kismaayo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo isagu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in ay maanta magaalada Kismaayo uu markii ugu horeeysay soo gaaro ra’isul wasaaraha dalka, wuxuuna sheegay in ay si diiran usoo dhaweynayaan islamarkaasina ay ka dhageysan doonaan waxyaalaha ay ula yimaadeen.

Ra’isul wasaare Saacid oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in aad ugu riyaaqay sida weyn ee ay usoo dhaweeyeen shacabka reer Kismaayo, isagoona uga mahadceliyay soo dhaweyntooda, wuxuuna sheegay in xukuumadiisu ay ka shaqeyn doonto rabitaanka shacabka ku dhaqan Jubooyinka iyo Gedo.

Sawirrada Ra’isul wasaaraha ayaa lagu xardhay hareeraha Wadooyinka, iyadoona xilligii uu wafdigu imanayay hareeraha wadooyinka lagu arkayay dadweeyne fara badan oo sitay calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya islamarkaasina ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ay ku soo dhaweynayeen Ra’isul wasaaraha.

Waa markii ugu horeeysay oo ra’isul wasaare Saacid uu safar ku yimaado magaalada Kismaayo tan iyo intii loo magacaabay xilka ra’isul wasaarenimo ee dalka Soomaaliya, waxaana la filayaa in wafdiga ra’isul wasaaraha mudada uu jooga uu maamulka KMG Kismaayo kala hadlo arimo ay ugu muhiimsanyihiin arinta dhismaha maamulka Jubbaland.

 











Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya