4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 26, 2013
Shirkadda AMAANA oo Deeq gaarsiisay Xarunta lagu Daweynayo dadkii uu soo ritay Cudurka Shuba-biyood ee Baladweyne (SAWIRRO)


Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Wali waxaa si is daba jooga ah  u socnaya gurmadka caafimaad ee loo fidinayo dadka uu soo ritay cudurka shuba-biyoodka ee magaalada Baladweyne kuwaa oo tiradoodo sii korartay.

Hadaba waxaa maanta deeq muhiim ah gaarsiisay xarunta sida ku-meel-gaarka ah loogu daweynayo dadka la ildarran cudurka shirka xawaallada Amaana magaalada Baladweyne oo ay soo wakiisheen gabdho Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka.

Maamulaha shirka xawaallada Amaana ee magaalada Baladweyne Xassan Ibraahim oo horkacayay qaar ka mid ah shaqaallaha shirka oo maanta tagay goobta dadka lagu daweynayo ayaa sheegay ay gaarsiiyeen deeq sida uu hadalka u dhigay siweyn loogau baahnaa.

“Maanta waxaan gaarsiinay bukaanka ku jira xarunta laga sameeyay deegaannnka Ceel-Jaalle ee dulleedka magaalada Baladweyne, deeq ka koobneyd Falleebo muhiim u aheyd joojinta shubanka, Noocyo kala duwan oo biyo ah, gaar ahaan kuwa caruurta fuuq-baxaya la siiyo, Cirbado loogu talagalay matag-joojinta, Oomo, Saabuun iyo agab kale oo siweyn loogu baahnaa,’’ ayuu yiri maamulka shirkada Amaana magaalada Baladweyne Xassan Ibraahim.

Waxaa uu intaa ku darray in dhibaato xoog leh ay ku jirto goobta la dhigay dadka uu soo ritay cudurka shuban-biyoodka, isaga oo intaa ku darray in shaqaallaha ku howlan daweynta dadkan u sheegeen in wali ay sii kordhayaan tirada dadka uu soo ridanayo cudurka.

“Waxaan rabnaa in aan halka fariin ugu dirno cid kasta oo gacan ka geysan karta gurmadka caafimaad ee dadkaas loo fidinayo in ay si dhaqse u u gaarsiiyaan wax kasta oo ay u heli karaan, waayo xaalada goobta ka jirta waa mid adag, maxaa yeelay qof fuuq-baxaya oo aan haddana dawo loo heli karin waad garan kartaa sida ay xaaladiisa isku badali karto,’’ ayuu yiri maamulaha shirkada Amaana magaalada Baladweyne.

Waxaa uu si gaar ah ugu mahad celiyay gabadhaha jaaliyada Minnesota ee oo ku deeqay lacag dhan $3000 oo doolar waxaana uu sheegay in ay ka mas’uul ahaayeen jaaliyada gabdhaha kala ah Xaawo Cumar Cali [Xaawo Hiiraan] Hindo Cabdi Gureey iyo Kaaho Macow.

Xanuunkan la soo darrsan dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaa ku soo beegmay xili  uusan si wanaagsan u shaqeyn Isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne oo dabayaaqadii sanadkii aynu soo dhaafnay joojisay hay’adda MSF Swiss howlihii caafimaad oo ay ka waday Isbitaalka.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya