4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 26, 2013
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo booqday xarunta lagu daweynayo bukaano uu soo ritay Cudurka Shuban-biyoodka (SAWIRRO)


Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo dib ugu laabtay galinkii danbe ee maalintii shalay magaalada Baladweyn kadib booqasho dhowr todobaad qaadatay oo uu ku tagay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha oo safarkiisa uu ku wehliyay guddoomiye ku-xigeenkii hore ee gobollka Banaadir C/fitaax Ibraahim Shaaweeye ayaa markiiba booqday xarunta ugu weyn ee lagu daaweynayo dadka uu soo ritay cudurbka shuban biyoodka, isaga oo halkaa geeyay dawo maamulka oo ugu talagalay in lagula tacaalo bukaanka.

“Runtii waan la xanuusaneynaa dadka uu cudurku saameeyay, gaar ahaan caruurta, mas’uuliyiinta dowladdana arintan waan ka wada hadalnay, waxaana ay inoo sheegeen in si deg deg ah u bilaabi doonaan gurmad caafimaad oo loo fidinayo dadka dhibaateysan,’’ ayuu yiri guddoomiyaha.

Waxaa uu intaa ku darray in maalmaha soo socda dowladda soo gaarsiin doonto magaalada Baladweyne dawo muhiim u ah la tacaalida cudurka, gaar ahaan waxaa uu sheegay in arintan ay siweyn ugu howlan tahay wasaarrada adeega bulshada xukuumada Soomaaliya.

Dhinaca kale, mar uu soo hadal qaaday arrimaha militariga gobollka waxaa uu sheegay in dhawaan si toos ah loogu safri doono wadada isku xirta magaalada Baladweyne iyo Muqdisho, ciidamada maamulka iyo xoogagga kale oo iskaashanayana u dhaqaaqi doonan deegaannada ay ku sugan yihiin dagaallyahannada Al-shabaab.

“Qorshahaas waa mid soo dhamaday, dhawaanna dadka ku dhaqan deegaannada ay hadda gacanta ku hayaan Al-shabaab isbadal ayeey dareemi doonaan, waana laga saarayaa kooxaha argagixisada,’’ ayuu yiri C/fitaax Xassan Afrax.

Dib ugu soo laabashada magalada Baladweyne guddoomiyaha gobollka Hiiraan ayaa imaneysa xili maalmihii ugu danbeeyayba la hadal hayay in dowladda Soomaaliya u magacabi doonto gobollka maamul cusub.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya