3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 26, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Dooxa ee Xarunta Dalka Qatar (SAWIRRO)


Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaasoo uu maanta ka shirka dalalka Jaamacadda Carabta, kaasoo lagu soo qaadi doono arrimaha Soomaaliya.

Wafdiga uu hoggaaminayay madaxweynaha Somalia ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee dalka Qatar kusoo dhaweeyay, Amiirka dalkaas, Amir Hamad Bin Khalifah Al-thani, iyo dhaxal sugaha dalkaas, Sheekh Tamim Bin Hamad Bin Khalifah Al Thani.

Shirkan Jaamacadda Carabta ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa dhibka ka taagan dalka Suuriya, isbedelka Soomaaliya, horumarinta Jaamacadda Carabta iyo arrimaha Falastiin.

Kulankan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo noociisa ah ee uu madaxweyne Xasan ka qayb-galo tan iyo markii uu xilka loo doortay dabayaaqadii sannadkii hore.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale, kulamo la qaadan doona madax kala duwan oo ka socda dalalka Carabta si uu ugala xaajoodo arrimo ay ka mid yihiin in la xoojiyo xiriirrada dalalkaas iyo Soomaaliya u dhexeeya, ayna gacan ku siiyaan Somalia sidii ay colaadaha uga bixi lahayd.

Ugu dambeyn, warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri: “Madaxweynuhu wuxuu sare u qaaday uuna wanaajiyay xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka caalamka; taasna waxay ka mid tahay aragtidiisa ku wajahan horumarinta siyaasadda arrimaha dibadda.”





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
3/26/2013 2:35 PM EST
Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa maanta ka qeyb-galay furitaanka shirka ururka Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada Doxa ee dalka Qatar.

3/26/2013 2:16 PM EST
Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Munaasabad looga hadlay imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo kuwa dhexe ee maamulka Khaatumo ayaa lagu qabatay magaalada Buuhoodle ee gogolka Cayn, iyadoo halkaas laga sheegay inaanay dhici doonin imtixaanno maamullo kale wadaan in laga qaado ardayda qalin-jebinta u diyaarsan.

3/26/2013 1:28 PM EST
Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Hay’adda sirdoonka dalka Itoobiya ayaa Isniintii shalay sheegtay inay xirtay sideed xubnood oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, kuwaasoo doonayay inay afduubaan shaqaale ka tirsan hay’adaha Qaramada Midoobay.

3/26/2013 12:59 PM EST
Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay in ka badan labaatameeyo kalena way ku dhaawacmeen kaddib roobab xoog leh oo ka da’ay dalka jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasoo ay sannadihii lasoo dhaafay ka di’in wax roobab ah.

3/26/2013 12:22 PM EST
Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Wafdi ballaaran oo uu horkacayey ergeyga dowladda Maraykanka u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan, ayaa maanta soo gaarey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Putland.

3/26/2013 9:41 AM EST
Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Waxaa maanta la dhaariyay maamulka gobalka Bay iyo kan degmada , kaddib markii la xaliyay khillafkii taagnaa ee qaar ka mid ah xildhibaannadii joogay magaalada Baydhabo ay isku haysteen, iyadoo la magacaabay guddoomiye ku xigeenkii gobalka Bay, kaas oo loo magacaabay, Shiine Macalin Nuurow, iyadoo isla markaasna loo dhaariyay.

3/26/2013 9:12 AM EST
Talaado, 26 Maarso, 2013(HOL) :- Waxaa maanta magaalada Kismaayo soo gaaray wafdi uu horkacayay ra’isul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyadoona ra'isul wasaaruhu ay safarkiisa ku wehlinayeen masuuliyiin uu kamid yahay wasiirka warfaafinta Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi.

3/26/2013 8:50 AM EST
Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Wasiir u dowlihii wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada, Maxamuud Ismaaciil Barkhad ayaa si lama filaan ah maanta ugu geeriyooday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyadoo aan la sheegin qaabka uu u dhintay.

3/26/2013 8:11 AM EST
Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) —Wasiirka wasaarrada Kheyaaradka dalka ee xukuumada Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed iyo wafdi uu horkacayo oo ka socday wasaarrada caafimaadka ayaa maanta tagay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

3/26/2013 7:24 AM EST
Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Wali waxaa si is daba jooga ah u socnaya gurmadka caafimaad ee loo fidinayo dadka uu soo ritay cudurka shuba-biyoodka ee magaalada Baladweyne kuwaa oo tiradoodo sii korartay.

3/26/2013 7:18 AM EST
Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo dib ugu laabtay galinkii danbe ee maalintii shalay magaalada Baladweyn kadib booqasho dhowr todobaad qaadatay oo uu ku tagay magaalada Muqdisho.

3/26/2013 2:38 AM EST
Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amababaxay maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose kaddib markii uu baaqday safar uu shalay ku tegi lahaa degmadaas.

3/26/2013 2:10 AM EST
Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhintay saddex kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidamada kawada tirsan dowladda Soomaaliya ku dhexmaray degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose.