4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 24, 2013
Wasiiradda Wasaaradda Hormarinta iyo Addeega Bulshada Dowladda Somalia oo kusoo laabatay Muqdisho (SAWIRRO)


Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Wasiirka horumarinta iyo addeega bulshada ee xukuumadda Soomaliya, Drs. Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta dalka dib ugu soo laabatay kaddib markii laba toddobaad socdaallo shaqo ay kusoo kala bixisay bixisay dalalka Denmark iyo Ingiriiska.

Wasiirradda iyo wafdigeeda ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde wasiirro uu horkacayay Wasiirka khayraadka dalka, C/risaaq Cumar Maxamed,  agaasimayaal iyo dadweyne badan oo garoonka uga hor-tagay.

“Muddadii aan safarka ku marayay dalalka Denmark iyo Ingriiska waxaan la soo kulmay madaxda dalalkaas anigoo kala hadlay waxyaabo badan oo ay ka mid ahaayeen waxbarashada Soomaaliya," ayay tiri wasiiradda oo intaa ku dartay: “Waxaa inoo suurogashay inaan ku guuleysanno iinay gacan naga siiyaan sidi aan waxbarasho la’aan ah ugu heli lahayn hal milyan oo arday Soomaaliyeed ah."

Sidoo kale, wasiirraddu waxay sheegtay inay ka qayb-gashay kulan looga hadlay arrimaha tacliinta sare oo ay la qaadatay madaxdii kasoo qayb-galay kulankaas oo ahaa mid caalami ah.

Ugu dambeyn, waxay sheegtay inay balan-qaad ka heshay mas’uuliyiintii ay kulamada lasoo qaadatay; iyagoo u ballan-qaaday inay si buuxdo dowladda Soomaaliya uga  tageerayaan dhinaca waxbarashada.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya