3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 24, 2013
Wafdi ka Kooban Wasiirro iyo Xildhibaanno oo si diirran loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo [DAAWO SAWIRRO]

SAM_0453.jpg


Axad,24 Maarso, 2013(HOL):- Wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaasina isugu jiray Wasiirro, XIldhibaanno, iyo Saraakiil ayaa maanta kasoo dagay garoonka caalamiga ah ee magaalada Kismaayo, iyadoona ay halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan maamul KMG ee magaalada Kismaayo.

Wafdiga oo uu hogaaminayay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Mudane  C/kariin xuseen guuleed, islamarkaasina ay qeyb ka ahaayeen wasiirka gaashaandhigga dowladda Soomaaliya Mudane C/xakiin Xaaji Fiqi, wasiir ku-xigeenka warfaafinta, Xildhibaanno iyo saraakiil kale ayaa markii ay soo gaareen garoonka Kismaayo waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay gudoomiyaha maamulka KMG ee Kismaayo Sheekh Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer), waxaana intaasi kadib wafdiga ay salaam sharaf ka gudoomeen cutubyo katirsan ciidamada dowladda oo halkaasi ku sugnaa.

Wafdiga ayaa kulan ay saxaafadda dibad joog ka ahayd gudaha garoonka kula yeeshay masuuliyiinta maamulka KMG ee Kismaayo,iyadoona aan ilaa imika la garanayn waxyaalihii ay ka wada hadleen, haseyeeshee masuuliyiin katirsan maamulka Kismaayo ayaa warbaahinta u sheegay in kulankaasi uu ahaa mid soo dhaweyn ah.

Intaas kadib ayaa xubnihii wafdiga waxaa lagu qaaday gaadiid ay leeyihiin AMISOM, waxaana loo gelbiyay Hotel Tawakal oo ku yaal bartamaha magaalada, halkaasoo ay imika daganyihiin.

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka KMG ee Kismaayo Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer) oo warbaahinta kula hadlay gudaha Hotelka ayaa sheegay in ay soo dhaweeyeen wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo ka yimid Muqdisho, wuxuna intaa ku daray in maalinta berito ah ay filayaan in ay soo dhaweeyaan wafdi kale oo uu hogaamin doono Ra’isul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale masuulkani ayaa ugu baaqay shacabka reer Kismaayo in ay ka qeybqaataan soo dhaweynta wafdiga Ra’isul wasaaraha ee la filayo in uu yimaado maalinta berito ah, isagoona intaa ku daray in wafdiga hada yimid uu hordhac u yahay wafdiga berito iman doona.

Ammaanka magaalada ayaa maanta si weyn loo adkeeyay waxaana gabi ahaanba xirnaa dhaqdhaqaaqii bulshada, haduu ahaan lahaa, ganacsi, waxbarasho iyo guud ahaan isu socodkii dadka, iyadoona hareeraha wadooyinka ay gaafwareegayeen ciidamo aad u tiro badan oo dadka iyo gaadiidka ku amrayay in ay dhaqdhaqaaqa joojiyaan.

Imaatinka wafdigan ayaa kusoo beegmaya xilli maalinimada berito ah la filayo in magaalada Kismaayo uu soo gaaro wafdi heer sare ah oo uu hogaamin doono ra’isul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).






Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya













Click here
3/24/2013 1:45 PM EST
Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Wasiirka horumarinta iyo addeega bulshada ee xukuumadda Soomaliya, Drs. Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta dalka dib ugu soo laabatay kaddib markii laba toddobaad socdaallo shaqo ay kusoo kala bixisay bixisay dalalka Denmark iyo Ingiriiska.

3/24/2013 12:39 PM EST
Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Iyadoo ay sanad walba marka xilligan oo kale lasoo gaaro roobabka gugu ka curtaan gobollo badan oo ka tirsan dalka, ayaa waxay roobab lagu diirsaday ka da’een deegaano ka tirsan Puntland.

3/24/2013 12:35 PM EST
Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Xarunta baarlamaanka Puntland ee magaalada Garoowe waxaa maanta ka furmay kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen xubnaha golaha wakiiladda. Kulankan oo uu si rasmi ah u furay madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxaa looga doodayaa qodobbo la xiriira doorashada goleyaasha deegaanka ee la fiyo in ay bilaha soo socda Puntland ka qabsoonto.

3/24/2013 9:44 AM EST
Axad, March 24, 2013 (HOL) - Aamina Maxamed oo haysata dhalashada dalka Kenya, asalkeeduna Soomaali yahay ayaa dawlada Kenya ay u sharraxday inay hogaamiso ururka ganacsiga aduunka ee la yiraahdo World Trade Organization (WTO)

3/24/2013 8:25 AM EST
Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagay wasaaradda gaashaandhigga iyo xerada Villa Baydhabo isagoo halkaas kula hadlay ciidammo kulanana la qaatay saraakiisha kala duwan ee ciidamada xoogga dalka.

3/24/2013 7:54 AM EST
Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Wafdi isugu jira xildhibaanno iyo wasiirro oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

3/24/2013 7:25 AM EST
Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya iyo xooggga Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay duleedka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, kaasoo geystay khasaare aad u xooggan.

3/24/2013 4:48 AM EST
Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Wasiirro iyo xildhibaanno xukuumadda ka tirsan ayaa maanta u ambabaxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose halkaasoo la filayo inuu ka furmo shirka maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka, iyadoo la adkeeyay ammaanka guud ee Kismaayo.

3/24/2013 4:12 AM EST
Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Hay’adda nabad-sugidda Qaranka ayaa soo bandhigtay magacyada laba ruux oo weeerarro ismiidaamin ah ka fuliyay toddobaadkii hore magaalada Muqdisho, kuwaasoo la sheegay inay kasoo jeedeen gobolka Galguduud.

3/24/2013 4:07 AM EST
Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Qorshaha lagula wareegay degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool wuxuu marayaa meel gabo-gabo, sidaa ayuu ku sheegay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi warsaxaafadeed uu maanta kasoo saaray xafiiskiisa Muqdisho.

3/24/2013 2:55 AM EST
Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Mucaaradka dagaalka kula jira xukuumadda jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa sheegay inay gudaha u galeen qaybo ka mid ah xarunta dalkaas ee Bangui, iyagoo sheegay in go’aankoodu yahay inay ridaan xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweyne, Francois Bozize.

3/24/2013 2:20 AM EST
Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Wasiirka gudaha iyo ammaanka Qaranka dowladda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleedd ayaa sheegay inay dhiirri-gelinayaan sugidda amniga Muqdisho, kaddib kulan uu la yeeshay guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.