4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2013
Salaaddiin iyo Waxgarad Qoddobo kasoo saaray kulan looga hadlay maamul u sameynta Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)


Arbaco, Maarso 20, 2013 (HOL) — Kulan ballaaran oo ay ka qayb-galeen, waxgarad, salaaddiin, culumaa’uddiin, aqoonyahanno iyo saraakiil kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayay arrimo ku saabsan maamul u sameynta gobolka Hiiraan.

Kulankan ayaa lagu lafa-guray qaabka ugu habboon ee maamul lasoo doortay loona dhan yahay loogu sameyn karo gobolka Hiiraan iyo sidii arrintaas ay mowqif mideysan uga qaadan lahaayeen qaybaha bulshada gobolka.

Waxaa kulanka ka hadlay, Boqor Faarax Cabdi Guure oo ah guddoomiyaha golaha salaaddiinta Soomaaliyeed, kana mid ah waxgaradka kasoo jeeda gobolka Hiiraan, kaasoo sheegay in kulankan ay u qabteen sidii shacabka deggan gobolka Hiiraan loogu madax-baneyn lahaa inay sameystaan maamul rabitaankooda ku yimid.

 “Ujeeddada kulankan wuxuu ahaa sidii ay u dhici lahayd doorasho xalaal ah oo dadka reer Hiiraan ay kusoo doortaan maamulkooda, sida horeyba uga dhacday gobollada qaarkood, haddana ka socoto gobolo kale, waxaan soo jeedinaynaa in maamul sameynta Hiiraan aan wax faragelin lagu sameyn,” ayuu yiri Boqor Faarax Cabdi Guure.

Waxaa kulankaas ka hadlay odayaal kala duwan oo ku hadlayay magacyada qabaa’ilka dega gobolka Hiiraan, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen odayaal fara badan oo laga xusi karo nabaddoon Maxamuud Axmed Xooshow (Korontaale), nabaddoon Cabdi Sheekh Faarax, Iimaan Cabdullaahi khaliif Rooble, Suldaan C/casiis Xaaji Dafe, Suldaan Cali Suldaan Cabdi, Jen. Baal-taag iyo xubno kale oo fara badan, waxaana gabagabadii kulankaas laga soo saaray warsaxafadeed ka kooban saddex qodob oo kala ah:

1.   In talada ku saabsan maamul sameynta loo celiyo reer Hiiraan.

2.   Inaan lagala tashan dhismaha maamulka dadka leh danaha shaqsi iyo kuwa siyasadeed ka leh maamulka.

3.   In loo saaro guddi arrimaha maamul u sameynta gobolka kala tashada dowladda iyo madaxweynaha iyo in dowladdu gacan ka geysato maamul u sameynta gobolkaas.

Ugu dambeyn, waxaa kulankaas laga sheegay in natiijooyin wanaagsan oo hordhac ay kasoo baxeen kulan horey Muqdisho ugu dhexmaray madaxweyne Xasan Sheekh iyo waxgarad kasoo jeeda gobolka Hiiraan, kaasoo ku saabsanaa qaabka ugu habboon ee maamul madax-bannaan oo cadaalad ku dhisan loogu sameyn karo gobolka.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya