4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2013
Gurmad Caafimaad loo Fidinayo Dadka uu soo ritay Cudurka Shuban-biyoodka oo ka socda Magaalada Baladweyne (SAWIRRO)


Arbaco, Maarso 20, 2013 (HOL) — In ka badan 20 ruux ayaa u geeriyootay cudurka shuban biyoodka halka in ka badan 60 oo isugu jira caruur iyo dad waaweyn u jiifaan xeryo gaar ah oo ay dulleedka magaalada ka hergaliyeen saraakiisha ciidamada Jabuuti si looga daweeyo dadka uu cudurka soo ridanayo.

Waxaaa maanta booqday xarumaha caafimaadka ee sida ku-meel-gaarka ah dadka loogu daweynayo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan iyo xubno ka socday hay’addaha samafalka si ay ugu kuur-galaan xaalada caafimaad iyo sida ay socto daaweynta loo sameynayo dadka cudurka la il darran.

mas’uuliyiinta maamulka iyo xubnihii ka socday hay’addaha samafalka ayaa kormeeray dadka cudurka la il darran, iyaga oo mid mid u eegay gaar ahaan caruurta oo uu saameyn weyn ku yeeshay cudurka shuban biyoodka.

Ilaa iyo hadda dhab ahaan looma oga in cudurkani yahay daacuun ama shuban biyood ka dhashay kuleylaha, laakiin waxaa ay sheegeen mas’uuliyiinta hay’addaha samafalka in ay sameyn doonaan sheybaar si loo ogaado dhab ahaan waxa uu cudurkani yahay.

Mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan Dhaqaatiirta ciidamada Jabuuti iyo xubnihii ka socday hay’addaha samafalka ayaa markii ay komeerkooda soo dhameysteen waxaa ay kulan gaar ah ku yeesheen isla xarunta lagu daweynayo dadka cudurka la il darran, iyaga oo ka wada hadllay sidii loo sii dardargalin lahaa gurmad caafimaad ee loo fidinayo dadka dhibaateysan.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobollka Hiiraan Cadaawe Cilmi oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in ay ka wada hadlleen iyaga iyo saraakiisha AMISOM sidii loo sameyn lahaa xeryo kale oo dadka u suurtagalin kara in xiliyada habeenkii ay imana karan haddii ay jiraan dad uu soo rito cudurka, madaama sida uu sheegay halka xarumaha hadda lagu daaweynayo dadka yihiin kuwo ku dhax yaala xeryo militari.

Dr. Faadumo Ducaale C/dulle oo ka mid ah dhaqaatiirta ciidamada Jabuuti ee AMISOM islamarkaana ka mid ah dhaqaatirta sida joogtada ah ugu howlan daweynta dadka uu soo rito cudurka shuban biyoodka, ayaa sheegtay in ay jiraan dad ka baxay xarunta oo dib u caafimaaday, inkastoo dhinaca kale ay sheegtay in shalay iyo maanta ay soo gaareen dadkii ugu badnaa.

NGO-ga GEELO ayaa si gaar ah loogu amaanay adeega ay u sameysay dadka la dhibaateysan cudurka, madaama ay ku deeqday AMBULANCE u gurmanaya dadka uu cudurka soo rito meel kasta oo ay ku sugan yihiin.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya