4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku gooddiyay in Xukuumaddiisu mar kale la wareegayso Degmada Xudur ee Gobolka Bakool


Arbaco, Maarso 20, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay inay dib ula wareegto degmada Xudur ee gobolka Bakool, halkaasoo ay la wareegeen xoogagga Al-shabaab Axaddii lasoo dhaafay markii ay ciidamadii Itoobiya iyo kuwii dowladda ay isaga baxeen.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu si adag u cambaareeyay dilkii Sheekh weyn loogu geystay degmada Xudur, kaasoo ay ka dambeeyeen xoogagga Al-shabaab oo ku eedeeyay inuu ahaa qaaligii maxkamadda degmadaas.

“Xukuumadda Soomaaliya waxay waddaa qorshe ay ku doonayso inay dib ugula wareegto degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool,” ayuu ra’iisul wasaaruhu ku sheegay war uu ugu talogalay saxaafadda oo kasoo baxay xafiiskiisa.

Degmada Xudur oo 450-km dhinac waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddo hal sano ah ka talinayay ciidamada Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa dowladda Itoobiya.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu si adag u cambaareeyay falkii lagu dilay Sheekh C/raxmaan Macallin Mursal oo 75-jir ahaa, isagoo falkaas ku tilmaamya mid fool xun oo ay geysteen kooxo aan dadka u naxayn.

“Falkan foosha xun nagama horjoogsanayo inaan horay u soconno, haddana waxaan shaqeynaynaa in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa gacanta siinaya ay dib ula wareegaan degmada Xudur,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Al-shabaab waan ka saaraynaa degmada Xudur ee gobolka Bakool.” Balse ra’iisul wasaaruhu ma uusan sheegin xilliga ay billaabayaan howgallada ay dib ugula qabsanayaan degmada Xudur.

Lama oga sababata dhabta ah ee ka dambeysa inay ciidamada Itoobiya isaga baxaan degmada Xudur, balse xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe oo ku sugan gobolka Bay ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay hub iyo sahay la’aan uga baxeen xarunta gobolka Bakool.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya