4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 2 , 2013
AMISOM oo cambaareysay Qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ka dhacay Baar ku Yaalla Xeebta Liido ee Muqdisho


Sabti, Maarso 02, 2013 (HOL) — Saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa cambaareeyay weerarradii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka maqaayad ku taalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaasoo dilay laba qof oo uu ku jiro qofkii weerarka fuliyay, dhaawacayna toddoba qof oo kale.

Weerarradan ayaa waxay ahaayeen laba, waxaana mid ka mid ah fuliyay ruux waxyaabaha qarxa isku xiray iyo gaari miineysan oo ku qarxay illinka hor ee baarka oo ay dadweyne badan ay cunteynayeen xilligaas.

AMISOM ayaa sheegtay in qaraxyadan lala beegsaday maqaayadda Indian Ocean Star ay mas’uul ka tahay Al-shabaab oo xiriir la leh urur-weynaha Al-Qaacida.

“Weerarkan wuxuu ahaa midkii labaad oo toddobaadyo gudahood ka dhaca Muqdisho. Wuxuu ahaa mid lagu carqaladeynayo ammaanka iyo xasilloonida magaalada Muqdisho,” ayuu yiri dajiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya, danjire Maxamed Saalax Anaadiif.

Laba toddobaad ka hor ayaa waxaa Baar Liido oo ku yaalla xeebta ka dhacay qarax loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo ay ku dhinteen laba qof oo shacab ah, tiro intaas ka badanna ay dhaawacyo kasoo gaareen.

Danjire Anaadiif wuxuu sheegay in dadkii ku dhaawacmay weerarkaas uu Alle siiyo caafimaad deg-deg ah. Isagoo yiri: “AMISOM waxay garab-taagan tahay xilligan adag shacabka Soomaaliyeed. Waan sii wadaynaa taageerada aan siinayno shacabka Soomaaliyeed si nabadda loo adkeeyo, si ay dadku u helaan nabad ay ku noolaadaan.”

Horraantii toddobaadkan ayay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxay si nabad ah kula wareegeen degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay oo uu maro jidka isku xira Muqdisho, Afgooye iyo Baydhabo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya