4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 18, 2013
Wariye ku geeriyooday weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee Maanta Muqdisho ka dhacay iyo mid kale oo ku dhaawacmay

Isniin, Maarso 18, 2013 (HOL) — Wariye Maxamed Cali Nuxurkeey oo ka mid ahaa wariyeyaasha ka howgala idaacadda Mustaqbal ayaa ku dhintay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Muqdisho, sidoo kale wuxuu dhaawc kasoo gaaray wariye kale oo ka tirsan idaacadda Mustaqbal oo lagu magacaabo, C/rashiid Nuur Ibraahim.


  Wariye Maxamed Cali Nuxurkeey
Nuxurkey ayaa waxaa maydkiisa lagu aqoonsaday Isbitaalka Madiina oo la dhigay maydadka dadkii ku dhintay qaraxa, isagoo noqonaya wariyihii labada sannadkan ku dhinta Muqdisho.

“Waan cambaareynaynaa weerarkan foosha xun ee salfaday nolosha dadka badan oo uu ku jiro wariyaha. Waa mid aan cambaareynayno oo aan aad uga murugoonayno in dad shacab ah lagu laayo qarax fulaynimo ah,” ayuu yiri xoghayaha guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cismaan oo soo saaray war-saxaafadeed uu uga hadlay dhimashada wariyaha iyo dhaawaca midka kale.

Sidoo kale, Cumar Faaruuq wuxuu tacsi u diray ehellada wariye Nuxurkeey oo ahaa 29-jir, isagoo sidoo kale caafimaad deg-deg ah u rajeeyay wariye C/rashiid oo dhaawac uu kasoo gaaray weerarkan ismiidaaminta ahaa oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab.

Wariyahan ayaa wuxuu noqonayaa wariyihii afaraad oo tan iyo sannadkii hore ku dhinta weerar ismiidaamin ah oo ay Muqdisho ka geysatay kooxda Al-shabaab oo muddo sannado ah dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya oo taageero ciidan ka hesha Midowga Afrika.

18-kii bishii Jannaayo ee sannadkan ayay ahayd markii kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Wadajir, C/xareed Cusmaan Aadan oo ka mid ahaa wariyeyaasha idaacadda Shabelle FM ee Muqdisho, iyadoo aysan jirin cid sheegatay dilkiisa.

Dalka Soomaaliya ayaa ah dalka ugu khatarta badan ee ay ka howgalaan wariyeyaasha, iyadoo sannadkii hore oo keliya lagu dilay 18 wariye oo intooda badan lagu qaarjiyay xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya