4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 18, 2013
Deeq Lacageed oo la gaarsiiyay Qoys dan-yar ah oo gurigoodii uu uga gubtay Magaalada Boorame ee Gobolka Awdal


Isniin, Maarso 18, 2013 (HOL) — Deeqdan lacageed ee lasoo gaarsiiyay qoyskan dan-yarta ah oo dhawaan uu aqalkoodii ku gubtay Boorame ayaa ayaamahan waxaa lasoo gudboonaaday dhibaato ayaa waxaa maanta lasoo gaarsiiyay lacag dhan 550-doollar, taasoo loo mariyay wariye Khadra Xasan Nuux oo HOL uga soo warranta magaalada Gobolka Awdal.

Lacagtan ayaa waxaa soo dhiibay saddex qof oo dibadda dalka ku nool, kuwaasoo kala ahaa:

1.   Axmed Muxumad Saciid oo ku nool dalka Australia oo isaguna soo dhiibay 400 oo doollar.

2.   Liibaan Cabdulqaadir Axmed oo ku nool dalka Maraykanka, gaar ahan magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota isagoo soo dhiibay lacag 100 doollar ah.

3.   Cali Kaahiye Cilmi oo isaguna ku nool dalka Imaaraadka Carabta oo isaguna soo dhiibay 50 doollar.

Qoyska dan-yarta ah ayaa waxaa lacagta ay ugu deeqeen walaalahooda ku nool dibadda dalka waxaa guddoonsiisay hooyo Faadumo Faarax oo ah hooyada uu gurigeedu gubtay Khadro Xasan Nuux oo ah wariyaha HOL ee Boorame.

“Dhammaan intii lacagta ii soo dhiibtay iyo intii gacanta ka geysatay waxaan leeyahay Alle khayr badan ha idin siiyo, dhaqaalahan aniga maanta aad ayuu ii anfacayaa idinkan maalinta dambe (Aakhir) ayuu idin anfici doonaa,” ayay tiri hooyo Faadumo Faarax.

FG: ciddii doonaysa hooyadan uu aqalkeedu gubtay inay caawiso waxay kala soo xidhiidhi kartaa, wariye Khadra Xasan Nuux oo tafoonkeedu yahay: 0025224137412.

Khadro Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia