4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 18, 2013
Dib u dhis lagu billaabay waddo muhiimad u leh isku socodka Baladweyne iyo Deegaannada Dhinaca Waqooyi ka xiga (SAWIRRO)


Isniin, Maarso 18, 2013 (HOL) — Qorshan dib loogu dhisayo wadada Hilo-kilyo oo muhiim u ah isku socodka magaalada Baladweyne iyo deegaannada ku dhaw dhaw ayaa waxaa iska kaashanaya Uururka Hormarinta Dhalinyarrada gobolka Hiiraan iyo guddi ka kooban qeybaha bulshada.

Eng Cabdi Raage Cowleysta oo gacanta ku haya dhisamaha wadada ayaa sheegay in durbaba la bilaabay howsha, isaga oo intaa ku darray in muhiimad gaar ah u leedahay  wadadan isku socodka magaalada Baladweyne iyo deegaannada W/qooyiga ka xiga,

“Waddadan runtii waan tan kaliya ee isku xirta magaalada Baladweyne iyo deegaannada dhinaca W/qooyi, marka laga  soo tago wadada laamiga ah, sidaa daraadeed dhismaheeda muhiimad gaar ah ayeey leedahay,’’ ayuu yiri Inj. Cabdi Raage Cowleyste.

Dad ka kooban qeybaha bulshada ayaa lagu arkayay wadada dhismaha laga wado kuwaasoo si iskaa wax u qabso ah uga qeyb-qaadanaya howsha socta, waxaana la arkayay iyaga oo jidka ka guraya geedihii ku baxay mudadii dheereyd  ee dayactir la'aanta kuwaasoo ciriiri ka dhigay wadada.

Guddoomiyaha Ururka Hormarinta Dhalinyarrada gobollka Hiiraan Max’ed C/llaahi Buraalle Raaxeeye oo ka mid ah shaqsiyaadka sida weyn isugu howlay dib u dhiska wadada ayaa sheegay in faah faahin ka bixiyay dhibaatooyinka lagu qabay bur burka wadada.

“Waddada Hillo-killyo burburka ku dhacay dhibaatada ugu weyn waxaa ku qabay dadka ku nool xaafadda Kooshin ee magaalada Baladweyne oo marka uu roobku da’o meel loo soo maro aan laheyn, sidoo kale waxaa ay aheyd wadada kaliya oo biyaha ka soo galaan xaafaddaha magaalada xiliyada fatahaaduhu dhacaan, laakiin marka dhismaheeda la dhameeyo waxaan rajeynayaan in arrimahaas oo dhan meesha ka bixi doonaan,’’ ayuu yiri Max’ed C/llaahi Buuraalle Raaxeeye.

Wadadan oo dherarkeedu gaarayo 4-km ayaa hadda lagu sii bilaabay ilaa 100 gaari oo dhagax iyo Carro ah oo ay ku deeqeen guddiga xaafadda Kooshin oo ay marto wadada, sida uu sheegay guddoomiyaha xaafadda Xaaji Cujub Khaliif.

Waxaa jira sidoo kale shirakaddu ay ka mid yihiin Hormuud Tellecom, Dahashiil, iyo Amaana oo balan-qaaday in ay ka qeyb-qaadan doonaan dib u dhiska wadada Hillo-killyo, kadib markii ay codsi u direen guddiga ku howlan dhismaha wadadaas.

Tallaabadan ay ku dhaqaaqeen Ururka Hormarinta Dhalinyarrada gobollka Hiiraan iyo guddiga ka kooban qeybaha bulshada ee xaafadda Kooshin, ayaa waxaa siweyn u soo dhaweeyay qeybaha bulshada magaalada Baladweyne oo muhiimad gaar ah ay ugu fadhiso wadadan dhismaha laga bilaabay.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya