4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 18, 2013
Raila O. Odinga oo sheegay inuu aqbalayo Go’aanka ay Maxkamadda sare ee Dalka Kenya ka gaarto Dacwaddiisa


Isniin, Maarso 18, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Kenya, Raila Odinga oo kasoo horjeestay inuu aqbalo natiijada doorashada madaxnimo ee Kenya oo uu ku guulestay ku xigeenkiisii Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inuu aqbali doono natiijada dacwad ka dhan ah doorashada oo maalintii Sabtida ahayd uu u gudbiyay maxkamadda sare ee Kenya.

Odinga ayaa ku dacwoonaya in codadka la xaday, isagoo sheegay arrintaas inay caddeymo u hayaan ayna hor-geeyeen maxkamadda, wuxuuna xusay inay ku kalsoon yihiin garsoorayaashu inay dacwaddooda uga jawaabi doonaan si waafaqsan sharciga.

“Doorashooyinku ma ahan kuwo u dhacay si xor iyo xaq ah, inta badan dadkii loo diiwaangeliyay inay codkooda dhiibtaan waa la bedelay, waxaana jira kuwo kale oo loo diiday inay codadkooda bixiyaan, ugu dambeynna waa la musuqmaasuqay codadkii soo baxay,” ayuu yiri Odinga oo warbaahinta Kenya la hadlay.

Sidoo kale, warsaxaafadeed uu soo saaray xisbiga CORD ee uu hoggaamiyo Raila Odinga ayaa lagu sheegay in in la kordhiyay tirada codadkii la dhiibtay, iyagoo xusay in musuqmaasuqa ugu badan uu dhacay markii guddiga doorashada Kenya ay ku laabteen tirinta codadkii doorashada.

“Codadkii la tiriyay waa kuwii laga dhiibtay deegaannada Kikuyu, Juja, Thika, Chuka, Kiambaa iyo Limuru, balse aan la tirin codadkii laga dhiibtay 34 deegaan oo ay ku jiraan; Chesumei, Emngwen iyo Ainamoi,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka CORD.

Murankan doorashada ayaa waxaa lagu wadaa in maxkamadda sare ay soo afjarto muddo laba toddobaad gudahood ah, ka hor inta aan la dhaarin madaxweynaha cusub ee la doortay Uhuru Kenyatta oo ay dacwadi kaga furan tahay maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC.

Guddiga doorashada ee dalka Kenay ayaa horay isaga fogeeyay eedeyn ku saabsan in doorashada la musuqmaasuqay, taasoo uu soo jeediyay xisbiga CORD oo doorashada madaxnimo looga adkaaday, balse lama oga go’aanka maxkamadda halka uu u dhici doono.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya