4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 18, 2013
Madaxda Soomaaliya iyo Golaha Wasiirrada oo yeeshay kulan ay uga hadleen Cunno-qabateynta hubka ee laga qaaday Somalia

Isniin, Maarso 18, 2013 (HOL) — Madaxda ugu sarreysa dowladda Somalia iyo golaha wasiirrada ayaa xalay kulan albaabbadu u xiran yihiin ku yeeshay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, kaasoo ay uga hadleen cunno-qabteynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya iyo sidii dowladdu ay mas’uuliyad isaga saari lahayd in hubkaas uusan gacanta u gelin kooxaha kasoo horjeeda.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaaraha xukuumadda, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wasiirrada dowladda intooda intooda dalka ku sugan.

“Kulanka waxaa looga hadlay cunno-qabateyntii hubka ee Soomaaliya laga qaaday iyo sidii loo hanan lahaa amniga, sidoo kalena dib loogu dhisi lahaa ciidamada qalabka sida loona qalabeyn lahaa; waxaanna dhihi lahaa kulanka guud ahaan wuxuu quseeyey sidii aan uga bixi lahayn qaabkii hore oo aan u hir-gelinlaheyn qaab cusub oo dalka gaarsiin kara midnimo iyo sidii dunidu ay gacan noo siin lahayd maadaama hadda laga gudbay qaabkii ahaa in wax naloo sheego oo aan u gudubnay in innaga nala weydiiyo habkii naloo taageeri lahaa,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo la hadlay warbahainta kulanka kaddib.

Wasiirka ayaa hadalkiisa daba-dhigay in dalka ay ku sugan yihiin wafdi ka socda golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kuwaasoo loogu talogalay inay u kuurgalaan xaaladda hubka ee Soomaaliya.

“Muqdisho waxaa ku sugan wafdi ka socda golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kuwaasoo tiradoodu tahay 30 xubnood, waxayna mari doonaan deegaanno kale oo dalka ah, si ay ugu kuurgalaan xaaladda hubka ee dalka,” ayuu yiri Ciilmooge oo sheegay in wafdigan ay tegi doonaan Jowhar, Baladweyne, Garoowe iyo Hargeysa, kaddibna ay mari doonaan dalalka ay Soomaaliya jaarka yihiin sida Itoobiya iyo Kenya.

Wafdigan ka socda Qaramada Midoobay ayaa waxay si gooni-gooni ah ula kulmi doonaan inta ay ku sugan yihiin Muqdisho madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo wasiirrada xukuumadda iyagoo kala hadli doona habka ay doonayaan inay hubka u xafidaan, maadaama hal sano la qafiifiyay cunno-qabateynta hubka ee Soomaaliya saaran.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegay in xafiisyada Qaramada Midoobay ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ay u soo guuri doonaan gudaha Soomaaliya bilaha soo socda, taasoo uu sheegay inay qayb ka tahay dhameynta habkii hore ee Soomaaliya loola dhaqmi jiray.

Ugu dambeyn, Ciilmooge wuxuu sheegay in xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaliya UNPOS ee uu madaxda ka yahay danjire Augustine Phillip Mahiga la xiri doono bartamaha sannadkan maadaama ay dhammaatay howshiisii.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya