4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 17, 2013
Dagaal culus oo caawa ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo

Axad, March 17, 2013(HOL)—Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in caawa uu dagaal ka dhacay deegaanka Awdiinle oo 30km u jirta magaalada Baydhabo, wuxuuna warku intaas ku darayaa in dagaalku uu ahaa mid aad u culus.

 

Dagaalka ayaa wuxuu dhexmaray Ciidammada Dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga Xarrakada Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday fariisin ay ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaankaas.

 

Dagaalka oo xilli habeen ah dhacay ayaan si rasmi ah loo ogaan karin khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray, waxayse warar hordhac ah oo soo baxaya ay sheegayaan in uu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo weliba ay xusid mudan tahay in deegaanka Awdiinle ay gacan-ku-heyntiisa la wareegeen xoogagga Al-shabaab.

 

Fariisinkan ay la wareegeen Xoogagga Al-shabaab ayaa wuxuu noqonayaa midkii labaad oo ay 24 saacadood gudahiis la wareegaan, waxayna saaka la wareegeen gacan-ku-heynta Degmada Xudur ee gobolka Bakool. La wareegitaanka degmada Xudur ayay Al-Shabaab u suurtagashay iyadoo uusan wax dagaal ah ka dhicin, waxaana taasi u sahashay iyadoo ay halkaas isaga baxeen ciidamadii dowladda Soomaaliya iyo kuwo Itoobiyaan ah oo gacan siinayay.

 

 

 

Hiiraan Online

Baydhabo, Bay