4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 17, 2013
Xisbiyada iyo Dadweynaha oo Aragtiyo kala duwan ka bixiyay go’aankii uu ku qaadacay Siilaanyo ka qaybgalka Shirka London

Axad, Maarso 17, 2013 (HOL) — Xisbiyadda mucaaradka iyo dadweynaha ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey qaadacadii uu madaxweynaha Somaliland qaadacay shirka Bisha may ka dhici doona magaaladda London oo uu sheegay inay tahay shir loo qabanayo Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa madaxweynaha ku hambalyeeyey go’aannka uu ka qaatay shirkaasi London loogu qabanayo soomaaliya ee ay gadhwadeenka ka noqon doonaan Ra’isal wasaaraha Ingiriiska iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa isaguna ku tilmaamay diidmadaasi mid aan dublamaasiyadda caalamka ku habooneyn,isla markaana soo jeediyey inuu madaxweynuhu ku daayo taladii qaran ee uu hore usoo jeediyey in laga yeesho shirkaaasi.

 “ Shirkii hore ee London kulankii ugu horeeyey ee aynu ka qaybgalnay waxa lagu heshiiyey 8 qodob oo 7 ka mid ahi ay ahaayeen arimo inoo dhexeeya oo aynu wada leenahay”ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga UCID Cali Guray oo ka hadlayey ka qaybgalka shirkaasi, waxaanu intaas ku daray  “Ingiriiska oo khabiir ku ah arimaha Soomaalida ayey reer galbeedkii u daba-fadhiisteen arimaha Somalia, kaas oo isaguna dhabarka ka sii taabtay dalka Qadar oo uu u igmaday inuu gadh-wadeen ka noqoto shirka London, markaa wada-hadaladii aynu la yeelanaynay Somalia waxay cagta inoo saareen waddo inagu ridaysa Nidaamka Federaalka”.

“madaxwaynuhu talaabada uu qaaday waa mid maskax ah oo wanaagsan waxaanu mutaystay inaanu ku taageerno, Waxaanu leenahay halkaa ugula sii dhawoow madaxweyne oo macnaheedu yahay in gabi ahaanba wada hadaladii aynu kula jirnay Soomaaliya dib uga noqono”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Cali Gurey.

 “Madaxwaynuhu waxa uu hore u sheegay in shirka London tallo qaran laga yeelanayo, may dhicin talladii qaran, waxaanu leenahay xukuumadda waxa u wanaagsan inay isku duba ridato wararka ay bulshada u sheegayso, itijaah siyaasadeed oo cadna ay u jeexdo, maaha inay marna tidhaahdo shirka waa lanagu casuumay oo waanu ka qayb-galaynaa, marna ay tidhaahdo waanu qaadacnay”ayuu yidhi afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADANI Ibraahim Buubaa oo ka hadlayay hadalkii madaxweynaha ka soo yeedhay ,waxaanu intaas ku daray “xagga diblumaasiyada markaanu eegno waxaanu qabnaa qaadacaada shirkaasi ee Madaxwaynuhu ku dhawaaqay inay Somaliland dhaawacayso, Madaxwaynaha waxa looga fadhiyey hadal u dhaxeeya waanu ka qayb-galaynaa iyo kama qayb-galayno”.

Sidoo kale, wasiiru dawlaha Maaliyadda ee Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani, ayaa u jawaabay afhayeenka xisbiga WADANI, waxaanu sheegay shacabka somaliland uu wakiil ka yahay madaxweynaha Somaliland oo ay dadku doortaan, isla markaana arrimaha dibadda iyo gudahaba masuul ka yahay, sidaa darteed uu madaxweynuhu cadeeyey sababta aanu uga qaybgaleen shirkaas oo uu sheegay in haddii arrimaha soomaaliya lagaga hadlayo aanay faa’ido ugu jirin Somaliland, balse haddii labadda dhinac ku wada hadlayaan uu ka qaybgali doono.

Wasiirku waxa uu sheegay in aanay ahayn in wax laga dayo meel aan waxba ku jirin, isla markaana ummadda la jahawareeriyo, wax kale oo uu wasiirku soo dhoweeyey hadalkii ka soo yeedhay xisbiga UCID ee taageeray mawqifka madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, dadweynaha ayaa iyaguna laba aragtiyood kala qayba, qaar soo jeediyey in shirkaasi laga qaybgalo oo madaxweynuhu shirka dhexdiisa ka dhiibto aragtidiisa, iyo qaar ku taageeray talaabadaasi uu madaxweynuhu ku qaadacay ka qaybgalka shirkaasi.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland