4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 12, 2013
Roobabka Gu’ga oo ka curtay Deegaannno ku yaalla Koonfurta iyo Waqooyiga Gobolka Sool oo Abaari ay ka taagnayd

Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Dhibcihii u horreeyey ee roobabka Guga ayaa ka da'ay deegaanno ku yaalla Waqooyiga iyo Koonfurta gobolka Sool, iyadoo roobkan uu kusoo beegmayo xilli la sheegay in xaalad abaareed ay ka taagan tahay deegaanno balaaran oo gobolkaas ku yaalla.

Dhulka roobabkani ka de'een ayaa sida ay dad deegaanku u sheegeen Bar-kulan ay tahay mid niyadda u qaboojinaysa kumannaan qoys oo biyo iyo baad la'aan la meehanaabayay.

Inj. Xasan Ismaaciil Kaatun oo ku sugan halka lagu magcaabo kulaal ayaa wuxuu sheegay in roob qabowsin ah meelana biyo geliyay baraagaha uu ka da'ay dhul balaaran oo ah dhulka u dhexeeya gobollada Sool iyo Sanaag oo ay ka mid yihiin: Awr-boogays iyo Kulaal oo degmadda Xuddun ka tirsan.

Sidoo kale, Inj. Doobi-doon wuxuu sheegay in dhinaca Koorfureed ee Sool sida tuuladda Saaxdheer oo 70-km Koonfur kaga beegan Laascaanood in roob aan waxtarkiisa la xaqiijin karin uu ka da'ay deegaan ku dhow halkaas; balse intiisa badani uu u talaabsan yahay dhinaca wadanka Itoobiya.

Roobabkan ayaa reer-guuraa aad u badan ku billaabaya inay haatan hayaan u galaan goobaha dhibicdu gaadhay si ay naqa ula kowsadaan, badanaaba waxaa dhaca inay ku dhibaatoodaan oo meel la kala daaqo la waayo.

Inkastoo guud ahaan cirku cusub yahay daruuro biyaysanna ay hogganayaan haddana waxaa sii kordhay boyo la'aantii ka taagnayd degaanno badan oo gobolka Sool ka mid ah siiba magaalada Laascaanood.

Seynab Cabdi Warsame,
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool