4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 12, 2013
Ra'iisul Wasaaraha oo Kormeeray Dhismayaal ka socda Galmudug, Xariggana ka jaray Garoonka C/llaahi Ciise (SAWIRRO)


Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa kormeeray saakay qaybo ka tirsan magaalada Gaalkacyo, wuxuuna xariga ka jaray garoon kubadda oo loogu magic-daray, Cabdullaahi Ciise Maxamuud.isaga oo dhanka kale kormeeray xabsi dhexe iyo garoon diyaaradeed kuwaasoo howlo dhismo ah ay ku soconayso.

Mudane Saacid ayaa hadal uu ka jeediyay garoonka oo ay ku sugnaayeen boqollaal dadweyne ah oo u badan arday iyo ciyaartooy, waxaana uu ugu hambalyeeyay maamulka Galmudug sida ay u horumarinayaan deegaanka. Isagoo dhanka kale ku ammaanay inay weli maankooda ku hayaan dadkii muwaadiniinta ahaa ee dalka iyo dadka taariikhda ku lahaa.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan xariga ka jaro garoon aad ugu magac darteen nin halyey ahaa, ummadda Soomaaliyeedna ay qadarin u hayaan, waana idiin kaga mahadcelineynaa," ayuu yiri ra'iisal wasaaraha oo xusay in dhismaha garoonkan uu qayb ka qaadan doono is-dhexgalka bulshada iyo nabadda.

Ra'iisal wasaaraha ayaa ballan-qaaday codsi uu soo jeediyay wasiirka isboortiga Galmudug, Saadaq Daahir, kaasoo ku aaddanaa kharashaad ka dhiman dhameystirka garoonka, wuxuuna ra'iisal rasaaruhu caddeeyay in dowladda federaalku bixineyso kharashka dhameystirka dhismaha garoonka.

Sidoo kale, ra'iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa kaloo ay kormeer  ku tageen dhismaha xabsi weyn oo laga hirgelinayo meel duleedka degmda Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Dhanka kale, Saacid ayaa kormeeray dhismaha garoon diyaaradeed kaasoo laga hirgelinayo duleedka Gaalkacyo, waxaana ka socday xilliga uu tagay garoonka dhismo ay wadeen cagaf-cagafyo, waxaana howlwadeen ka ah Xildhibaan Cismaan Xasan Cali (Caato) oo isagu si iskaa wax u qabso ah ugu deeqay qalabka.

Ra'iisal wasaaraha ayaa kula dardaarmay shacabka reer Gaalkacyo inay ku dadaalaan nabadda iyo horumarka, wuxuuna kula kaftamay [Reer Gaalkacyo dagaalka kaalinta aad ka qaadataan waa inaad nbaddana ka qaadataan, waxaana tusaale u ah inaad nabadda dhankeeda u weecateen horumarka iyo dhismayaasha aad ka sameyneysaan magaalada] isagoo ka dalbaday in wixii maanta ka dambeeya aysan dhicin in Gaalkacyo labo u qeybsanto, isla markaana shacabka labada maamul ay si xor ah oo nabad ah u maraan.











Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya