4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 12, 2013
Burcadbadeed Soomaaliyeed oo Malaayiin Doollar oo Madaxfurasho lacageed ah kusii daayay Markab Giriigga laga leeyahay

Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Burcadbadeed Soomaaliyeed ayaa lacag madaxfurasho ah kusii daayay markab laga leeyahay dalka Giriigga iyo 26 shaqaale ah oo la socday, kaasoo ay afduub ahaan u haysteen muddo sanad ku dhow.

Shirkadda markabka iska iska leh oo lagu magacaabo, Dynacom Tankers Management ayaa Isniintii shalay xaqiijisay in markabkeeda MT Smyrni oo waday hal milyan oo shidaal cayriin ah ay sii daayeen kooxo burcadbadeed ah oo muddo afduub ku haystay.

“Waxaan qaadannay lacag dhan 9.5 milyan oo doollar oo madaxfurasho ah, taasoo hawada nalooga soo daadiyay habeenkii Jimcaha,” ayuu yiri Ciise Cabdullaahi oo ka mid ah burcadbadeeddii haystay oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

Balse shirkadda markabka iska leh ayaa diiday inay ka hadasho inay lacago madaxfurasho ah dhiibtay iyo in kale. Iyadoo warbixin ay soo saartay kaga hadashay oo keliya in shaqaalaha markabka la socday oo 14 ka mid ah ay u dhasheen dalka Fillibiin, 11 Hindi ah iyo hal qof oo Roomaaniya u dhashay ay dhammaantood bad-qabaan.

Ciise Cabdullaahi oo u hadlay burcadbadeedda ayaa sheegay in laba ka mid ah shaqaalaha markabka la socday ay aad u xanuunsanaayeen, laakiinse ma sheegin xanuunka haya noociisa.

Markabka lasii daayay ayaa u shiraacday dhinaca dalka Hindiya, sida ay warbixin ku sheegtay hay’ad la socota dhaqdhaqaaqyada maraakiibta dunida, halkaasoo la filayo inay shaqaaluhu ku dagaan.

Afduubka makabkan oo dhacay bishii May ee sannadkii hore ee 2012 ayaa lagu sheegay inuu ahaa kii ugu dambeeyay ee ay burcadbeedda Somalidu afduub ahaan ku qabsadaan. Iyadoo weerarrada burcadbadeedda ay hoos u dhaceen tan labadii sano ee lasoo dhaafay.

MT Smyrni oo ah markabka lasii daayay ayaa noqonaya kii labaad oo kuwa shidaalka qaada ah oo ay kooxaha burcadbadeedda ah sii daayaan dhowr maalmood gudahood. Iyadoo markab kuwa kiimikada qaada ah oo isaga iyo shaqaalihiisa oo 20 ahaa la haystay muddo sannad ah ayaa la sii daayay dhowr maalmood ka hor.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya