4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 11, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo wafdigii uu Horkacayay oo Gellintii Dambe ee Maanta Gaaray Gaalkacyo (SAWIRRO)


Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gellinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, gaar ahaan deegaannada uu ka taliyo maamulka Galmudug.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo kusoo dhaweeyay mas’uuliyiinta uu horkacayay madaxweynaha Galmudug, Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeydiid) iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale, waxaa soo dhaweeyay dadweyne fara badan oo watay calanka Soomaaliya iyo sawirrada ra’iisul wasaaraha, kuwaasoo dhoobnaa jidadka Koonfurta Gaalkacyo oo uu ka taliyo maamulka Galmudug.

“Maanta aad ayaan ugu faraxsannahay inay Galmudug noogu ymaadaan wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, shacabka iyo maamulka Galmudug ay had iyo goor waxay garab taagan yihiin dowladda federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Jen. Qaybdiid oo la hadlya warbaahinta.

Sidoo kale, ra’iisul waasare Saacid oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu yimaado Galmudug. Isagoo ka mahad-celiyay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay.

"Dhan ahaan waxaad tihiin shacab aad daacad u ah, una ooman dowladnimada, sida shucuurtiina ka muuqata, waana ka cudur daaraneynaa xoogaagii aan idinka soo dib dhacnay, howlo Qaran owgood," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha oo xusay in isaga iyo wafdigiisu ay u yimaadeen degaanada maamulka Galmudug, sidii ay ugala qeyb qaadan lahaayeen dadweynaha horumarinta Galmudug, maadaama ay yihiin shacab isku tashaday bilow wanaagsana muujiyay.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay waxay socdaal shaqo ku joogeen magaalada magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, iyagoo ugu dambeyn maanta heshiis iskaashi la saxiiday Puntland kaasoo dhigayay in dowladda iyo Puntland ay wadashaqeeyaan.








|






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya