4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 11, 2013
Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Somalia oo saakay booqday Xerada 54-aad ee Ciidamada Xoogga Puntland (SAWIRRO)


Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya , Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa Puntland ayaa saaka booqday xerada 54-aad ee ciidamada xooga Puntland, halkaasoo ahayd xarun ciidan malateriga dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Mudane Saacid ayaa waxaa wehliyay madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole, madaxweyne ku xigeenkiisa, Cabdisamad Cali Shire, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda federaalka iyo xubno ka tirsan labada gole ee Puntland.

Ra'iisal wasaaraha ayaa kormeeray qaybaha xeradaas iyo xafiisyada, isagoo mid-mid u gacan qaaday saraakiisha taliska ciidanka ee Puntland oo iyagu halkaasi dhoolatus ka sameeyey, wuxuuna salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada asluubta ee Puntland.

Ugu dambeyn, saraakiisha ciidanka ayaa halkaasi kasoo jeediyay khudbado, heeso iyo gabayo, iyagoo soo bandhigay waxqabadkooda, waxayna ka codsadeen dowladdu inay ka garab-siiso sidii loo sii horumarin lahaa ciidamada Puntland.

Dhanka kale, ra'iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa kulammo is-daba-joog ah la lahaa labadii maalmood ee ugu dambeysay madaxda maamulka Puntland, waxaana sidoo kale ra'iisal wasaaruhu uu booqday shalay qaar ka mid ah wasaaradaha iyo madaxtooyada oo ay haatan dhismo ka socoto.










Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya