4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 10, 2013
Dublamaasiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliya oo lagu Tababarayo Koonfur Afrika (SAWIRRO)


Axad, Maarso 10, 2013 (HOL) — Dublamaasiyiin ka socda wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya oo tiradoodu tahay 20 ayaa wuxuu tababar ay ku baranayaan sida ay wasaaradda arrimaha dibaddu u shaqeyso uga socdaa dalka Koonfur Afrika.

Wajiga labaad ee tababarkan ayaa waxaa maanta uu ka furmay machadka tababarka, cilmi-baarista iyo horumarinta ee akadeemiyada dulamaasiyadda ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika, iyadoo ay casharro ka bixinayaan wasiirro iyo siyaasiyiin u dhashay dalka Koonfur Afrika.

Tababarkan ayaa waxaa looga gol-leeyahay sidii loo qaabeyn lahaa habka ay ku shaqeyso wasaaradda arrimaha dibadda, baratakoolka guud ee dowladda Soomaaliya, dejinta istiraatiijiyadda siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah ee dowladda iyo shaqooyinka safaaradaha.

Waxaa lagu wadaa in tababarkan uu soo xirmo dhammaadka bishan Maarso iyadoo xafladda xirtaanka ay ka qaybgeli doonaan wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiiradda xiriirka caalamiga ah ee Koonfur Afrika, Maite Nkoana-Mashabane iyo mas’uuliyiin kale.

Xiriirka Soomaaliya iyo caalamka ayaa aad u soo xoogeystay kaddib markii la doortay madaxda dowladda joogtada ah ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kale ay tababarkan ugu deeqday Soomaaliya dowladda Koonfur Afrika.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya