4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 10, 2013
Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo dib ugu celiyay Xukuumadda saddex hides sharciyeed oo loosoo gudbiyay


Axad, Maarso 10, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dib ugu celiyay xukuumadda saddex hindise sharciyeed oo ay soo gudbisay wasaaradda garsoorka, iyadoo kulanka ay maanta ay kasoo qaybgaleen in ka badan 140-mudane.

Hidisayaasha ay xildhibaannadu dib u celiyeen ayaa waxay kala ahaayeen: hindise shrciyeedka xeerka xaquuqul insanka iyo laba hidese sharciyeed oo kala ahaa xeerka golaha sare ee garsoorka iyo xeerka gudigga kormeerka garsoorka, waxaana kulanka maanta shir guddoominayay guddomiye ku xigeenka baarlamaanka, Jeylaani Nuur Iikar.

Mudanayaasha baarlamaanka waxay hidisayaashan ka dhiibteen aragtiyo kala duwan ka hor intii aysan ku celin xukuumadda, waxayna sheegeen in waddooyinka lasoo mariyay sharciyadan ay yihiin kuwo khaldan loona baahan yahay inay la saxo.

Wasiirka garsoorka iyo labadiisa ku xigeen oo kulanka baarlamaanka goob-joog ka ahaa ayaa waxay doodda baarlamaanka kaddib faahfaahin ka bixiyeen hindisayaasha ay horkeneen baarlamaanka; balse xildhibaannada ayaa ku adkeystay go’aankii ahaa in dib loo celiyo.

Ugu dambeyn, wasiirka garsoorka, C/llaahi Abyan Nuur ayaa sheegay inay qaateen talada xildhibaannada baarlamaanka ayna dib u soo saxi doonaan hindise sharciyadeedyadan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay xildhibaanada baarlamaanka dib ugu celiyeen xukuumadda Soomaaliya, balse tirada hidiseyaasha ay maanta dib u celiyeen ayaa noqonaya kuwii ugu tirada badnaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya