4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 10, 2013
Wakiilka Ururka Haweenka Qaranka Somaliland ee NOW oo sheegtay in aysan sannadkan u tartamay xilka guddoomiyaha


Axad, Maar so 10, 2013 (HOL) — Wakiilka gobolka Awdal ee ururka haweenwka Qaranka Somaliland ee NOW, Kawsar Ibraahim Rijaal ayaa sheegtay in aysan u tartamayn jagada guddoomiyenimada xisbiga ee sannadkan.

Marwo Kawsar oo ka hadashay munaasabadda 8-da Maaso ayaa bogaadin u dirtay haweenka waxayna sheegtay in doorashooyinka soo socda ee NOW aanay ka qaybgali doonin iyada.

 “Waxaan hambalyeynayaa gabi ahaanba haweenka Somaliland gaar ahaan haweenka gobolka Awdal, sidoo kale waxaan hambalyo gaar ah u dirayaa marwada koowaad ee dalka, Aamina Waris iyo marwada labaad Raxma Xaaji Muxumed, waxaanan leeyahay ku gaara sannadkan kiisa kale bashbash iyo barwaaqo,” ayay Kowsar ku sheegtay khudbad ay jeedisay.

Sidoo kale, Kowsar waxay sheegtay inaanay sanadkan diyaar u ahayn inay u tartanto jagada hogaanka NOW ee gobolka Awdal, waxayna tiri: “Waxaan halkan baaq uga dirayaa haweenka NOW ee gobolka Awdal; waxaanan u sheegayaa in doorashadii soo dhawaatay oo loo baahan yahay in la isku diyaariyo, anigu waxaan sheegayaa inaan sanadkan ka qayb-galayn tartanka diyaarna aanan u ahayn inaan isi soo sharraxo, sabatuna waa xilka oo aad u culus awgiis.”

Ugu dambeyn, Kawsar waxay kula dar-daarantay gabi ahaanba haweenka gaar ahaan kuwa gobolka Awdal, waxayna ku boorrisay inay noqono kuwo danta guud hal dhinac uga soo wada-jeesta, isla markaana ka duula hadaf isku mid ah oo u adeegaya nabadgalyada iyo hormarka.

Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland