4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 10, 2013
Wafdi uu Hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar oo Muqdisho kula kulamay Madaxda Soomaaliya (SAWIRRO)


Axad, Maarso 10, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda ee Masar, Maxamed Kaamil Caamir oo maanta soo gaaray Muqdisho ayaa waxay kulammo la yeesheen madaxweynaha Soomaaliya, wasiirro ka tirsan xukuumadda, guddoomiyaha baarlamaanka iyo safiirro.

Madaxweynaha Somalia ayaa wafdiga kulan kula yeeshay madaxtooyada, isagoo kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin in dowladda Masar ay Soomaaliya gacan ka siiso soo celinta ammaanka. Sidoo kale guddigan waxay la kulmeen wasiirrada arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji iyo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/kariin Maxamuud Xaaji Fiqi iyagoo kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo tayeynta milateriga Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamanka ayuu haddana wafdigu la kulmayayaa iyagoo ku ammaanay sida ay ugu dhiirradeen inay dib u soo celiyan iskaashigii ay la lahaayeen dalka Masar ee taariikhiga ahaa, iyagoo ballanqaaday inay caawin doonaan Soomaaliya.

Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya Fowziyo Yuusuf oo hadashay ayaa sheegtay in waxyaaba ay ka wadahadleen iyaga iyo wafdiga ka socday dalka Masar ayaa si weyn isugu garteen, isla markaana ay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan waxyaabihii ay kawada hadleen oo dhan.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda Masar Maxamed Kaalin oo isaguna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Masar uu u dhaxeeyo xiriir dheer, haddana ay doonayaan inay gacan ka siiyaan sida caafimaadka, gaashaandhigga, midnimada siyaasadda yo iskaashi dhinaca dhaqaalaha.

Wafdiga ka socday Masar ayaa muujinaya sida dowladda Masar ay diyaarka ugu tahay inay kasoo baxdo kaalintii uga aadanayd gacan siinta Soomaaliya iyo in la adkeeyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Wafdiga ka socda dalka Masar oo dib ugu laabtay dalkooda ayaa waxay noqonayaa kuwii ugu heerka sarreeyay ee Soomaaliya yimaada tan iyo markii ay dalalka Masar iyo Soomaaliya ka dhaceen isbedellada dhinaca dowladaha ah.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya