4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 10, 2013
Maalinta Haweenka Adduunka ee Sideedda Maarso oo laga xusay Magaalada Katrineholm ee dalka Sweden (SAWIRRO)


Axad, March 10, 2013(HOL): Iyadoo lagu guda jiro toddobaadkii xuska maalinta haweenka adduunka ee ku beegan 8-da Maarso ayaa waxaa xalay munaasabad lagu xusayay maalintaas lagu qabtay magaalada Katrineholm ee dalka Sweden.

 

Munaasabadda ayaa waxaa soo qabanqaabiyay  Ururka Nabadda Haweenka Soomaaliyeed (Somali Women Peace Organization), waxaana ka qeybgalay dad badan oo ka kala yimid magaalooyin kala duwan oo dalka Sweden ku yaalla.

 

Furitaankii Xafladda ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha Ururka Nabadda Haweenka Soomaaliyeed Culumo C/llaahi Hilowle, waxayna ugu horreyntii u mahadcelisay dadkii munaasabadda ka qeybgalay, iyadoo dabadeedna sii wadatay hadalkeedii munaasbadda ku saabsanaa.

 

Waxay sheegtay in haweenka  caalamka oo dhan ay u tahay maalin weyn maalinta 8-da Maarso, sidaas darteedna waxay hambalyo u dirtay haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan. ”Haweenku waa hooyo, waa walaal, waa gabadhaadii, waa xaaskaagii, waxayna mudan tahay in la dhowro xuquuqdooda”ayay tiri  Culumo C/llaahi Hilowle oo bogaadisay Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ee ay madax ka tahay Batuulo Shiikh Axmed Gaballe oo ka mid ahaan jirtay Ururkii haweenka xilligii dowladdii mileteriga ka talineysay Soomaaliya.

 


Culumo C/llaahi Hilowle waxaa ay intaas ku dartay in inkastoo dhibaatooyin kala duwan ay soo mareen haweenka Soomaaliyeed haddana ay doonayaan in ay la tartamaan haweenka haweenka haddii ay ahaan lahayd dhinacyada waxbarashada iyo horumarka., iyadoo xustay in dowladda hadda u dhisan Soomaaliya ay ku jiraan wasiirro xilal muhiim ah haya, sidoo kalena ay Baarlamaanka, ”Waxay tahay maanta oo kale in aan xusuusanno haweenkii iyagoo halgan ugu jira xuquuqda haweenka u geeriyooday iyo kuwii la dhibaateeyay, waxaana u rajeynayaa haweenka caalamka, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed guul”ayay tiri Culumo C/llaahi Hilowle.

 

Sidoo kale waxaa ka hadashay Calaseey Axmed Cusmaan oo ka mid ah haweenka had iyo jeer u ololeeya xuquuqda haweenka, waxayna sheegtay in haweenka la’aantood aysan ragga waxba noqon karin, waxayna ka taariikheysay horumarka haweenka ay ku tallaabsanayaan iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen.

 


Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle Wadaad oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed oo munaasabadda ka qeybgalay ayaa lagu martiqaaday in uu hadal ka jeediyo, wuxuuna ka hadlay sidii ay ku timid in la sameeyo maalin ay leeyihiin haweenka adduunka oo welibana la xuso sanadkiiba hal jeer, wuxuuna caddeeyay in xuska 8-da Maarso uu si rasmi ah u billowday kaddib markii dalalka ku bahoobay Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa ay aqoonsadeen sanadkii 1977-kii.

 

Dr. Xuseen Wadaad waxaa uu sheegay in dalalka reer galbeedka ay billaabeen in ay raadiyaan xuquuqda haweenka balse Islaamka uu xilligaas ka hor uu xuquuqda haweenka caddeeyay, wuxuuna haweenka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah ugu baaqay in ay leeyihiin xuquuq aan la xaqiri karin oo uu Islaamka siiyay.

 

”Annaga haddii aan nahay ragga waxaan idin leenahay hambalyo, waana idin garab taagan nahay mar walba”ayuu yiri Dr. Xuseen Wadaad oo sheegay in kaalinta haweenka ee bulshada Soomaaliyeed ay tahay mid aan dabool la saari karin hayeeshee dumarka looga baahan yahay in ay kalsoonidaas heystaan.

 


Dr. C/llaahi Muuse Xuseen oo ah duqii hore ee magaalada Muqdisho oo munaasabadda ka hadlay ayaa si weyn u bogaadin haweenka Soomaaliyeed ee isugu yimid in ay weyneeyaan maalinta haweenka caalamka, wuxuuna sidoo kale haweenka u sheegay in ay leeyihiin xuquuq islaamku siiyay, sidoo kalena dhaqanka Soomaaliyeed ee suubban uu haweenku  sharfay.

 

”In aad shaki gelisaan ma ahan xuquuq weyn oo tan ragga ka badan ayaad leedihiin waayo mar hooyo ayaad noo  tihiin, mar gabadhii aan dhalnay ayaad tihiin, mar walaal ayaad noo tihiin, marna waa d oo dhaxdaan”ayuu yiri Dr. C/llaahi Muuse Xuseen oo dhanka kalena Soomaalida guud ahaan kala hadlay in dadka ay la nool yihiin ee Swedish-ka  ah ay dhaqan-wanaagsan kula noolaadaan, isla markaana aysan la imaanin sawir aan wanaagsan oo laga qaato Soomaalida.

 


Xasan Dusoos oo ah Saxafi hore iyo Diblumaasi oo ku nool magaalada Katrineholm ee dalka Sweden ayaa isna munaasabadda ka hadlay, wuxuuna sidoo kale bogaadiyay maalinta haweenka caalamka ee 8-da Maarso, wuxuuna haweenka u sheegay in muddadii uu dalka dhibaatada ku soo jiray ay haweenku ahaayeen kuwii dadka nooleeyay, wuxuuna tusaale u soo qaatay in qoyska gabar u soo baxday ama xitaa gudaha dalka uga shaqeyso iyo qoyskii uu wiil u soo baxay aysan noloshooda isku mid ahayn.

 

”Haweenka Soomaaliyeed weligood waa lagu ogaa kartida, caadana uma lahan dadka Soomaaliyeed in ay xaqiraan xuquuqda haweenka, hayeeshee waxaa iska jira wacyigelin la’aan ku aaddan dhinac tayeynta gabdhaha, taasina waxaan hubaa in ay hadda sii yaraaneyso oo ay noo baxeen gabdho badan oo wax bartay oo bulshada meelo muhiim ah kaga jira”ayuu yiri Xasan Dusoos.

 

Prof. C/qaadir Maxamed Xasan oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa isna ka hadlay munaasabadda, wuxuuna sheegay in xuquuqda haweenka ay tahay mid aas-aasi ah oo diinta Islaamkana caddeysay, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in waxbaridda gabdhaha iyo mustaqbalkooda oo la dhisaa uu la mid yahay shacbi iyo dal dhan oo la dhisay. Wuxuu intaas ku sii daray in nin kasta oo weyn ama wax ah ay ka dambeyso haweeney fiican, meeshaasna wuxuu xusay in raggu aysan waxba noqon karin ragga la’aantood.

 


Bahja C/llaahi oo ka mid ahayd haweenkii munaasabadda ka qeybgalay ayaa iyadana munaasabadda ka hadashay, waxayna ugu horreyn u hambalyeysay haweenka caalamka guud ahaan, gaar ahaanna haweenka Soomaaliyeed, iyadoo kaddibna u mahadcelisay Ururka Nabadda Haweenka Soomaaliyeed oo munaasabadda soo qabanqaabiyay.

 

Waxay sheegtay Bahja in haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan ay dan ugu jirto midnimada iyo iskaashiga, waxayna carrabka ku dhufatay in loo baahan yahay in haweenku ay ku midoobaan ururka haweenka ee laga aas-aasay Katrineholm.

 


 
Intaas kaddib Bahja C/llaahi  ayaa farriin u dirtay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, taasi oo ahayd in horay loo sii wado iftiinka ay dowladda Soomaaliyeed u billowday haweenka Soomaaliyeed ee ah in la dhowro xuquuqdooda, wixii ay xaq u leeyihiinna ay helaan, waxayna ugu dambeyntii guddoontay iyadoo ku hadlaysay magaca haweenka  hambalyadii ka timid raggii munaasabadda ka soo qeybgalay.




 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]