4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 10, 2013
Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inay Muqdisho ku toogteen laba sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Nabadusidda Dowladda

Axad, Maarso 10, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaaba ayaa sheegtay in laba sarkaal oo ka tirsan ha’yadda nabadsugidda gobolka Banaadir ay ku toogteen Muqdisho, iyadoo aysan hay’adda nabadsugidda weli jawaab ka bixin dilka la sheegay in laba saraakiisheeda ah loo geystay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo warbaahinta Al-shabaab la hadlay ayaa sheegay in labadan nine e ay dileen lagu kala magacaabi jiray: Mustaf Jiis iyo Ismaaciil Fuulfuul, ay ku daba-jireen muddo ayna shalay suurogashay inay toogtaan.

“Labadan sarkaal waxay ahaayeen jawaasiis dowladda u qaabilsnaa dhowr degmo oo dhinaca waqooyi ee magaalada ku yaalla muddo ayaana dabagal ku haynay, waana qaarijinnay,” ayuu yiri mas’uulka u hadlay Al-shabaab.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in xoogaggooda ay si rasmi ah uga qaybgalaan gudaha magaalada Muqdiso ayna meeshii ay doonaan ay ka fulin karaan howgalkii ay u baahdaan.

Hay’adda Nabadsugidda Qaranka ayaan weli ka hadlin dilka loo geystay labada ruux ee la sheegay inay ka tirsanaayeen ciidamadooda oo lagu dilay Muqdisho, iyadoo tani ay muujinayso in weli Al-shabaab ay howlgallo ka fulin karto gudaha caasimadda.

Al-shabaab ayaa tan iyo markii ay isaga baxday Muqdisho bishii Ogoosto 2011 waxay ka fulinayeen dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay intooda badan la beegsanayeen goobaha ay dowladdu maamusho iyo shaqaalaha dowladda.

Inkastoo madaxda dowladda Soomaaliya ay sheegeen inay wax ka qaban doonaan sugidda ammaanka Muqdisho ayaa haddana waxaa muuqata in weli ay Al-shabaab saameyn ku leedahay degmooyinka gobolka Banaadir.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya