4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 1 , 2013
Jaaliyadda Reer Jabuuti ee ku nool Magaalada Ottowa oo dhigay Dibadbax ay uga Horjeedaan Natiijadii Doorashada (SAWIRRO)


Jimco, Maarso 01, 2013 (HOL) — Bannaabax looga soo horjeedo doorashadii ka dhacday dalka Jabuuti iyo siyaasiyiinta lagu xir-xiray dalkaas ayaa lagu qabtay magaalada Ottawa. Bannaanbaxaas ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay jaaliyadda reer Jabuuti ee ku nool magaalada Ottawa ee dalka Kanada.

Dadkan ayaa waxay ku hor bannaabaxayeen safaaradaha Mareykanka iyo Fransiiska, waxaana ka dhex muuqday fannaanka weyn ee Cawaale Aadan ee u dhashay dalka Jabuuti. Bannaabaxayaasha ayaa waxay ku dhawaaqayeen erayo ka mid yihiin: ‘Ma dooneyno kaligii-taliye, maxaabiis u xirxiran siyaasad iyo erayo kale’, iyagoo dalbanayay in lasii daayo siyaasiyiinta xirxiran.

Mudaaharaadkan oo noqonaya kii ugu horreeyay oo xisbiga mucaaradka ah ee USN uu ku qabto meel dibadda ka ah Jabuuti ayaa wuxuu imaanayaa xilli dhawaan ay gudaha Jabuuti ka dhacayeen dibadbaxyo looga horjeedo natiijadii doorashooyinka baarlamaaniga ah ee bishii hore ka dhacay dalka Jabuuti.

Dibadbaxayda ka dhacay gudaha dalka ayaa waxay sababeen isku dhacyo dhexmaray taageerayaasha mucaaradka iyo ciidamada ammaanka Jabuuti, iyadoo kuwaasoo sababay dhaawcyo, iyadoo dhawaan afhayeenka USN, Daahir Axmed Faarax (Deef) uu sheegay in lagu xabsi guri lagu hayo.

Jabuuti ayaa waxaa 22-kii Feberaayo ee lasoo dhaafay ka dhacay doorasho baarlamaani ah, taasoo uu ku guuleysatay isbahaysiga talada dalka Jabuuti haya ee UMP, iyadoo xisbiga USN uu si aad ah ugu dhow yahay, laakiinse mas’uuliyiinta xisbiga ayaa sheegay in la qariyay natiijooyinka rasmiga ah ee doorashooyinka.

Mucaaradku waxay ku andacoonayaan inay heleen tiro ka badan inta lagu dhawaaqay, ayna doonayaan in si rasmi ah loogu dhawaaqo codadka la tiriyay, haddii kale ay socon doonaan dibadbaxyada ay gudaha dalka ka dhigayaan.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Jabuuti, Xasan Dharaar Hufane ayaa ka dalbaday shacabka Jabuuti inaysan ka qaybgelin dibadbaxyo lagu abuurayo deggenaasho la’aan, isagoo xisbiyada mucaaradka ah ee qaba cabashadana ugu baaqay inay cabashadooda u gudbiyaan golaha dastuuriga ah ee dalka Jabuuti.

Axmed Guure, Hiiraan Online
[email protected]
Toronto-Ottowa, Canada