4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 9 , 2013
RA’IISUL WASAARE SAACID: “La isagama harayo in dagaallo la Huriyo dhiigga shacabkana macno-darro lagu daadiyo”


Axad, Juun 09, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay inaan la isaga hari doonin hurinta colaad ay ku dhintaan dad aan waxba galabsan in si macno-darro ah lagu daadiyo dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Saacid ayaa hadalkan ka sheegay kulan ka dhacay Muqdisho, isagoo xusay in dagaalladii ka dhacayay labadii maalmood ee lasoo dhaafay magaalada Kismaayo ay ahaayeen kuwo aan xaq ahayn oo ay ku dhinteen shacab aan waxba galabsan.

“Dagaalladii Kismaayo ka dhacayay waxay ahaayeen kuwo aan xaq ahayn, hubaalna ay tahay inaan lagu  gaari karin xal, waayo-aragnimo nagu filan waan qabnaa, waxaana u soo jeedinayaa dhinacyada ay khuseyso inay ka tanaasulaan ayna qaataan talooyinka xubnaha dowladda ee Kismaayo ku sugan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in dhiigga shacabka Soomaaliyeed oo si micno-darro ah loo daadiyo inay tahay dambi weyn oo aan cidna looga hari doonin, isagoo xusay in hurinta colaaduhuna ay taas la mid yihiin.

“La isagama hari doono hurinta dagaallo sokeeye oo si macno-darro ah loo billlaabo, dad aan waxba galabsanna ay ku dhintaan,” ayuu ra’iisul wasaare Saacid oo intaas ku daray: “Qofkii mas’uuliyad darro dhiig Soomaaliyeed ku daadiya kama hari doonno xisaabteenna way socon doontaa.”

Dhanka kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu ku baaqay in lagu dadaalo inuusan ka dhicin Kismaayo dagaal dambe, khilaafka hadda jirana lagu dhameeyo wadahadal iyo xasillooni, wuxuuna dhinacyada hardamaya ugu baaqay inay ka fogaadaan wax walba oo dagaal hurinaya.

Hadalka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo u muuqday mid uu ugu doodinayo dhinacyada ku dagaalamaya Kismaayo ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ay ka dhaceen Kismaayo dagaallo ay ku dhinteen dad ka badan 20-qof oo shacab ay ku jireen.

Ra’iisul wasaaruhu kama uusan hadlin hadalkii kasoo yeeray afhayeenka ururka Raaskambooni, C/naasir Seeraar ee ahaa in dagaalladii ka dhacay Kismaayo ay ahaayeen shirqool ay soo abaabushay dowladda Soomaaliya ayna ku guuleysteen inay fashiliyaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya