4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 9 , 2013
Bannaanbax looga Horjeeday Dhibaatooyinka Soomaalida loogu Geysanayo Koonfur Afrika oo Muqdisho ka dhacay (SAWIRRO)


Axad, Juun 09, 2013 (HOL) — Bannaanbax looga soo horjeedo dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa ka dhacay maanta magaalada Muqdisho, waxaana ka hadlay mas’uuliyiin uu ku jiray guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Dibadbaxan oo ka dhacay Dal-jirka Dahsoon ee degmada Boondheere ayaa waxaa ka qaybgalay dadweyne fara badan oo watay boorar ay qaarkood ku masawirnaayeen dadkii lagu dilay dalka Koonfur Afrika qaarkood iyo erayo looga soo horjeedo dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida.

“Xukuumadda Koonfur Afrika waxaan ugu baaqaynaa inay raalli-gelin ka bixiso dilaalka iyo tacadiyada dalkeeda loogu geysanayo dadka Soomaaliyeed ee ammaanka u raadsaday,” ayuu yiri Tarsan oo sheegay in looga baahan yahay Koonfur Afrika inay xusuusato abaalkii loo galay intii ay ku jirtay gumeysiga.


Sidoo kale, duqa Muqdisho wuxuu sheegay in dhibaatooyinka Soomaalida loogu geysanayo dalka Koonfur Afrika inaysan ahayn wax loo dulqaadan karo, ayna Soomaalida halkaas ku nool dib ugu soo laabtaan dalkooda.

Guddomiyaha degmada Xamar-weyn, Ibraahim Sahal Gardhuub oo isaguna ka hadlay dibadbaxa ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay uga xumaadeen dhibaatooyinka loo geysanayo walaalahooda ku nool Koonfur Afrika, isagoo sheegay inuu rajeynayo in dadkaas ay dib dalkooda ugu soo laabtaan.

“Abaalkii ay Soomaaliya u gashay Koonfur Afrika xilligii midab-takoorka ay ku jireen waxaa lagu bedelay in Soomaalida dhagaxaan, midiyo iyo seefo lagu laayo, mana ahayn mid aan ka filaynay dadka reer Koonfur Afrika,” ayuu yiri Gardhuub oo ku hadlayay afka guddoomiyeyaasha 16-ka degmo ee gobolka Banaadir uu ka kooban yahay.


Qaar ka mid ah dadkii dibadbaxa ka qaybgalay ayaa ku tilmaamay Koonfur Afrikaanka inay yihiin dad aan abaal-gudin oo xayawaanno ah, iyagoo xusay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad dhiiggoodu qaali yahay ayna joojiyaan dilalka iyo dhaca ay ku hayaan Soomaalida.

Dalka Koonfur Afrika ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay dilal, dhac iyo dhibaatooyin kale oo loo geysnayo Soomaalida dalkaas ku nool, iyadoo xalay oo ugu dambeysay uu askari ka tirsan booliiska dalkaas ka dhacay muwaadin Soomaaliyeed 11,000 oo doolarka Mareykanka ah.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya