4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 9 , 2013
Xiisad Maalintii Sadexaad ka taagan Kismaayo iyo dhinacyadii dagaallamay oo isku hor-fadhiya Qaybo ka tirsan Magaalada

Axad, June 09, 2013(HOL) :- Waxaa weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa magaalada Kismaayo kadib dagaallo xooggan oo shalay ilaa daraad gudaha magaalada ku dhexmaray ciidamada maamulka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe iyo kuwo daacad u ah Iftiin Xasan Baasto oo isaguna sheeganaya xilka madaxweeynenimo ee Jubbaland.

Waxaa qeybo ka tirsan magaalada xalay dib ugu soo laabtay ciidamadii uu hogaaminayay Iftiin Xasan, waxaana ciidamadani oo aad u qalabeeysan ay saldhigyo ka sameeysteen qeybo ka tirsan xaafadaha Calanleey iyo Shaqaalaha, gaar ahaan waaxda V-afmadow ee galbeedka magaalada Kismaayo.

Ciidamada maamulka Kismaayo ayaa iyaguna ku sugan meel aaan sidaa uga fogeyn halka ay ciidamada kale fariisimaha ka sameysteen, waxaana xaaladdu ay imika tahay mid kacsan iyadoona dadka deegaanku ay ka cabsi qabaan in ay dhacaan dagaallo markale dhexmara dhinacyadan iska soo horjeeda.

Shacabkii ku dhaqnaa xaafadda Calanleey gaar ahaan waaxda V-Afmadow oo ah halkii ay shalay dagaallada culusi ka dhaceen ayaa bilaabay in ay halkaasi isaga soo barakacaan iyagoona ka cabsi qaba in ay saameyn ku yeeshaan xiisadaha ka aloosan halkaasi.

Odayaal deegaanka ah oo isxilqaamay ayaa wada dadaallo ay doonayaan in ay ku dhexgalaan dhinacyada ay dirirtu u dhexeeyso, waxaana maanta gabi ahaanba xiran dhaqdhaqaaqii bulshada, sida waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga iyo isusocodkii dadweeynaha.

Xiisadahan ka taagan Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli madaxda ugu sareeysa maamulka Axmed Madoobe ay shaaca ka qaadeen in aysan ogolaan doonin in gudaha magaalada Kismaayo ay hub ku dhex heystaan cid aan iyaga ka tirsanayn, waxaana arintaasi ay ku soo beegmeeysaa iyadoo gudaha magaalada Kismaayo ay ku suganyihiin masuuliyiin hubeeysan oo dhowr ah islamarkaana sheeganeeysa hogaanka Jubbaland.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya