4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 7 , 2013
Olole nadaafadeed lagu nadiifinayo goobaha muhimka ah ee bulshadu isugu Timaaddo oo ka socda Laascaanood (SAWIRRO)


Jimce, Juun 07, 2013 (HOL) — Olole nadaafadeed oo ay iska kaashadeen qaar ka mid ah ardayda wax-ka-barta magaalada Laascaanood, dowladda hoose iyo ganacsatda ayaa lagu nadiifiyay deegaanno muhiim u ah bulshada ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Ololahan oo ay soo qaban-qabanqaabisay dallad lagu magcaabo SOCDA oo ay ka qaybqaadanayaan ardayda jaamacadda Nugaal, ardayda machadka caafimaadka Sool iyo machadka furqaan ayaa lagu nadiifiyay suuqyada qudaarta iyo hilibka oo ah halka ugu qashinka nadan magaalada.

Maxamed C/raxmaan "Janna-gale" oo ka mid ah ardayda jaamacadda Nugaal ayaa sheegay inay wadayaan ayna nadiifin doonaan meelaha ay ku badan tahay bulshada, kuwaasoo uu ka tilmaamay isbitaalka guud iyo meelo kale oo ay u arkaan in dhibaato caafimaad xumo ay kaga imaan karto dadka ku nool Laascaanood.

Janna-gale ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan magaalada Laascaanood iyo qurba-joogtaba inay qayb ka noqdaan ururrada ku midoobay dalladan oo u istaagtay daryeelka deegaanka iyo faya-dhawrka.

Sidoo kale, Aamina Maxamuud oo iyaduna ka socotay machadka lagu barto caafimaadka ayaa baaq u jeedisay ummadda ku nool Laascaanood, gaar ahaan kuwa deggen goobaha ku dhow la nadiifinayo inay qashinka ururiyaan iyadoo codsatay inay illaaliyaan dhawraanna nadaafaddooda si ay caafimaad-darro uga badbaadaan.

Ololahan ayaa waxaa gacan xoog leh ka geysatay dowladda hoose iyo qaar ka mid ah ganacsatada oo dhinaca dhaqaalaha ka taageeray qaban-qaabiyayaasha ololahan nadaafeed ee Laascaanood ka socda.

Ololayaasha noocan oo kale ah ayaa si gooni-gooni ah ay u qaban jireen ururrada jaamacadda iyo machadka caafimaadka, waxaase markii ugu horreysey ee iskaashi heerkan oo kale ah ay ka helaan ganacsatada iyo dowladda Hoose ee magaalada Laascaanood.



Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool