4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 7 , 2013
Dowladda Shiinaha oo Beesha Caalamka iyo UN-ka ugu baaqday inay gacan ka geystaan Nabadeynta Soomaaliya

Jimce, Juun 07, 2013 (HOL) — Dowladda Shiinaha ayaa ugu baaqday beesha calaamka iyo Qaramada Midoobay inay xoojiyaan hanaanka nabadda dalka Soomaaliya iyo dib u dhiskiisa, si ay uga baxdo mashaakilaadkii ay ku jirtay 22-kii sano ee lasoo dhaafay.

Ergayga joogtada ah ee Shiinaha ee Qaramada Midoobay, Li Baodong ayaa ka sheegay hadalkan kulan uu golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ku yeeshay shalay oo Khamiis ahayd xaruntiisa New York.

“Waa inaan ka caawinno dowladda cusub ee Soomaaliya fulinta howlaha hor-yaalla oo ay ka mid yihiin lixdii qodob ee ay u dajisay, xoojinta hay’adaha dowladda iyo qorshaha dowladdu ay ku doonayso inay maamulkeeda ugu baahiso dalka oo dhan,” ayuu yri Baodong.

Sidoo kale, ergaygu wuxuu carrabka ku dhuftay in dib u heshiinta ay tahay jidka keliya ee lagu soo celin karo nabadda Soomaaliya, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaalida inay si shuruud la’aan ah ugu biiraan hannaanka lagu soo celinayo nabadda Soomaaliya.

“Waxaan rajeynayaan in qaybaha Soomaalida ay baaqdan ayidi doonaan, dib u soo celinta nabadda, horumarka iyo xasilinta dalkana waa mid ku xiran in si wadajira h looga shaqeeyo, dhinacyaduna ay khilaafyadooda si wadahadal ah ku dhameeyaan, laguna dadaalo horumarinta dhaqaalaha dalka iyo in kor loo qaado daqliga shacabka,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Mr. Li wuxuu ku baaqay in la raaco qodobbada ku saabsan arrimaha Somalia ee kasoo baxay Midowga Afrika, urur goboleedka Bariga Afrika ee IGAD iyo hay’adaha kale ee dowliga ah.

“Waxaan filayaa in haddii Qaramada Midoobay ay raacdo qodobbada kasoo baxay ururada gobolka iyo kuwa kale ee Afrika inay tahay mid xoojinaysa aragtida waxyaabaha laga damacsan yahay Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray. Isagoo xusay in mar walba ay tahay in la ilaaliyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Dhanka kale, eragayga Shiinaha wuxuu ku boorriyaya Qaramada Midoobay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo howlgeliyo howlgalka UN-ka ee Somalia (UNSOM), sidoo kalena la kordhiyo taageerada dhaqaale ee la siinayo howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM.

Bishii lasoo dhaafay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay isku raaceen in la sameeyo xafiiska UNSOM oo lagu xoojinayo howgalka nabad raadinta Soomaaliya, iyadoo howgalkan siyaasadeed si rasmi ah uu uga billowday Soomaaliya Isniintii lasoo dhaafay ee toddobaadkan.

Soomaaliya ayaa waxay ka baxaysaa colaado soo billowday sannadkii 1991-kii markaasoo xilka laga tuuray xukuumaddii milateriga ahayd ee dalka ka talinaysay, iyadoo haatan ay Soomaaliya ka jirto dowlad rasmi ah oo leh baarlamaan iyo xukuumad joogto ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya