4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 7 , 2013
Dowladda Ingiriiska oo Safiir Cusub u soo Magacowday Soomaaliya, kaasoo bedeli doona danjirihii ka horreeyay


Jimce, Juun 07, 2013 (HOL) — Dowladda Britain ayaa maanta danjire cusub u soo magacowday arrimaha dalka Soomaaliya, kasoo bedeli doona danjirihii hore ee dalka Britain ay u magacowday, Matt Baugh.

Danjiraha cusub oo lagu magacaabo, Neil Wigan, kaasoo xilka la wareegaya inta lagu jiro bishan Juune 2013-ka. Waxaana uu horay uga soo shaqeeyay dalal Afrikaan ah oo ay ka mid tahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in la ii magacaabo inaan erayga Soomaaliya ee dalka Britain xilligan taariikhiga ah,” ayuu yiri Wigan oo hadlay markii la magacabaay kaddib isagoo hadalkiisa ku daray. “Soomaaliya xilligan waxay sameysay horumar weyn oo dhinaca siyaasadda iyo ammaanka ah, waxayna Al-shabaab laga saaray deegaanno badan oo ay ka talin jireen, dowladda ka jirta xilliganna waa mid rasmi ah.”

Danjiraha cusub ee Britain ay u soo magacowday arrimaha Soomaaliya ayaa howsha siyaasadda wuxuu kusoo biiray sannadkii 2000 wuxuuna saddexdii sano ee ugu dambeysay ka shaqeynayay dalka DR Congo.

“Britain waxay door muhiim ah ka ciyaartay horumarrada ay ku tallaabsatay dowladda cusub ee Soomaaliya, waxaana tusaale cad u ah shirkii dhawaan lagu qabtay London oo ay wadajir u guddoominayeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron, howlo kale oo fara badan ayaana dhiman,” ayuu yiri danjiruhu.

Ugu dambeyn, danjire Wigan wuxuu ballanqaado inuu ka shaqeyn doono sidii loo xoojin lahaa taageerada Britain ay siinayso Soomaaliya iyo howlaha safaaradda Britain ay dib uga furtay Muqdisho bishii Abriil ee sannadkan, kaddib 22-sano oo ay xirnayd.

Dalka Britain ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay indhaha u soo jeediyay dalka Soomaaliya, waxaana lagu qabtay shirar taageero loogu raadinayo dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, kaddib sannado badan oo colaado ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya