4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 7 , 2013
Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Xalay si xun loogu dilay Magaalo ka ku Taalla Gobolka Libombo ee dalka Koonfur Afrika

Jimce, Juun 07, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan oo Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay laba wiiil oo Soomaali ah oo isla dhashay ku dilay baangado iyo midiyo kaddib markii ay ku weerareen dukaankooda oo ku yaalla deegaanka Balamalango oo ka tirsan gobolka Limbombo oo ku yaalla soohdinta dalalka Koonfur Afrika iyo Mozambique.

Labada wiil ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray, Cabdirisaaq Xasan Mxuyadiin iyo Maxamed Xasan Muxyadiin, waxaana kooxaha hubeysan dilka u geystay ay dhaceen dukaankii ay lahaayeen.

Dilkan ayaa wuxuu qayb ka noqonayaa dilal dhawaanahan loogu geysanayay dalka Koonfur Afrika Soomaalida halkaas ku ganacsada, iyadoo maalmihii la soo dhaafay sidan oo kale dhallinyaro Soomaaliyeed oo ganacsato ah loogu dilay dalkaas.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in labada wiil ay isku dayeen inay iska difaacaan kooxaha dilka u geystay, balse la qabqabtay oo lagu garaacay baangado iyo midiyo illaa ay ka dhintaan.

“Tani waa qayb ka mid ah dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida Koonfur Afrika ku nool, xaaladdu waxay u muuqtaa mid is-bedelaysa oo lagu bar-tilmaameedsanayo Soomaalida,” ayay yiraahdeen Soomaali ku nool dalkaas oo la hadlay warbaahinta Soomaalida iyo kuwa kale ee caalamiga ah.

Dhanka kale, magaalooyin ku yaalla dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ka dhacvay maanta dibdbaxyo ay Soomaalidu kaga dalbanayaan dowladda dalkaas in wax laga qabto dhibaaooyinka lagu hayo Soomaalida dalkaas ku nool.

“Waxaan doonaynaa in dhibaatada jirta wax laga qabto, goobaha  dibadbaxu uu ka dhacay waxaa ka mid ah xafiiska madaxweynaha Koonfur Afrika hortiisa, waxaana naloo sheegay in arrintan ay dowladdu si deg-deg ah wax uga qaban doonto,” ayuu yiri mid ka mid ah dibadbaxayaashii ka qaybgalayay dibadbax ka dhacay xarunta dalka Koonfur Afrika ee Pretoria.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa toddobaadkan ka dalbaday xukuumadda Koonfur Afrika inay soo farageliso dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika, si nolosha iyo hantida dadka Soomaaliyeed looga badbaadiyo kooxaha dhibaatooyinka geysanaya.

Boqolaal kun oo Soomaali ah ayaa ku nool dalka Koonfur Afrika kuwaasoo tan iyo markii ay halkaas tageen lagu hayay dhibaatooyinka isugu jira dilal, dhaawacyo iyo boob loo geysto hantidooda, kuwaasoo sii xoogeysanaya sannadba sannadka ka dambeeya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya