4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 6 , 2013
Wafdi uu Horkacayo Sheekh Axmed Madoobe oo u ambabaxay dalka Kenya

Khamiis, June 06, 2013(HOL) :- Wafdi uu hogaaminayo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo isagu dhawaan gudaha Kismaayo loogu doortay madaxweeynaha Jubbaland ayaa maanta u ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Masuulkani ayaa safarkiisa waxaa ku wehlinayay xubno ka tirsan gudigii farsamada shirka Kismaayo ee lagu soo doortay Sheekh Axmed Madoobe, waxaana xubnahani la sheegay in ay casuumad ka heleen dowladda Kenya.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa la filayaa in magaalada Nairobi uu kula kulmo madaxweeynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud, waxaana labadani masuul ah ka wada hadli doonaan sidii xal looga gaari lahaa arinta uu muranka badan ka taaganyahay ee maamulka Jubbaland.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa 15-kii bishii tagtay ergadii ka qeybqaadaneeysay shirkii maamul u sameynta Jubooyinka waxa ay u doorteen madaxweeynaha Jubbaland, waxaana intaasi ka dib iyaguna sheegtay madaxtinimada Jubbaland masuuliyiin dhowr ah oo ku sugan Kismaayo oo uu kamid yahay Col Barre Aadan Shire (Hiiraale).

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan magaalada Kismaayo usoo dirtay wufuud kala duwan, kuwaasoo maamulka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe kala hadlayay arimaha maamul u sameynta Jubooyinka walow dhamaan shirarkaasi ay noqdeen kuwo fashilmay.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.