4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 6 , 2013
Munaasabad lagu maamuusayay aasaaskii ciidamada xoogga dalka Jabuuti oo lagu qabtay Magaalada Baladweyne (SAWIRRO)


Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) — Munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay laguna maamuusayay 36 sano guuradii ka soo wareegatay aas-aaska ciidamada xoogga dalka Jabuuti, ayaa lagu qabtay xerada Ceel-jaalle ee dulleedka magaalada Baladweyne oo saldhig u ah ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM.

Munaasabada waxaa ka soo qeyb-gallay mas'uuliyiinta maamulka dowladda ee gobollka Hiiraan, saraakiisha ciidamada Itoobiya, odayaal dhaqameed, aqoonyahanno iyo dad ka kooban qeybaha bulshada oo lagu marti-qaaday munaasabada xuska aas-aaska ciidamada xoogga dalka Jabuuti.

Col. Cismaan Dubad taliyaha ciidamada Jabuuti ee  ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka warbixiyay waxqabadka ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa  oo sda uu sheegay marka laga soo tago sugida amniga iyo tababarada ay u fidiyeen ciidamada maamulka gobolka, dhinaca kale wax badan ka qabtay adeegyada bulshada iyo gacan siinta shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne waqtiyadii adkaa ee la soo maray sida fatahaadii wabiga shabeelle uu ka sameeyay xaafaddaha magaalada Baladweyne dabayaaqadii sanadkii aynu soo dhaafnay, iyaga oo ku guuleystay in qoysas badan ka soo saaraan xaafaddihii ay ku noolaayeen kadib markii ay biyuhu go'doomiyeen.

Sidoo kale, waxaa xusid mudan marka laga hadllayo waxqabadka ciidamada Jabuuti gargaarkii ay u fidiyeen dhawaan dadkii uu soo ritay cudurka shuban-biyoodka, iyaga oo xarumo caafimaad ka hergaliyay dulleedka magaalada Baladweyne  oo si bilaash ah ama lacag la'aan ah dadka loogu daweynayay.

''Marka laga soo tago howlgalka aynu qeybta ka nahay ee AMISOM,waxaa saaran ciidamada Jabuuti waajibaad intaa dhaafsiisan oo ah in aan shacabka walaalaha aynu nahay ee Soomaaliyeed wax kala qabano dhibaatooyinka mar walba la soo darsa, haddii ay ahaan laheyd xag caafimaad, mid bulsho iyo marka ay jiraan miisoobooyinka dabiiciga sida fatahaadaha  iyo abaaraha oo mudadii aynu halkan joognay ka sameynay hormar ballaaran oo la taaban karo,'' ayuu yiri Col. Cismaan Dubad.

Abaanduulaha guud ee ciidamada AMISOM Jen. Cismaan Subaglle oo ka hadllay munaasabada ayaa ku booriyay ciidamada Jabuuti in ay gutaan waajibaadka saaran, islamarkaana ka qeyb-qaataan xasilinta guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan gobollka Hiiraan oo ay ka howlgalaan ciidamada.

Guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo la soo xiriiray xafiiska Hiiraan Online ee magaalada Baladweyne  isaga oo jooga magaalada Muqdisho ayaa ugu hanbalyeeyay dowladda Jabuuti iyo guud ahaan shacabka reer Jabuuti 36 sano guuradii ka soo wareegtay aas-aaskii ciidamada xoogga dalka Jabuuti, gaar ahaan  waxaa uu hanbalyo u dirray ciidamada Jabuuti ee  ku sugan magaalada Baladweyne.

''Waxaan leeyahay hanbalyo dowladda Jabuuti iyo guud ahaan ciidamada, runtii waxaan rabaa in aan si gaar ah hanbalyo ugu dirro ciidamada Jabuuti ee ka howlgalka gobollka Hiiraan oo aan oran karo wax badan oo muuqda ayeey qabteen mudadii ay gobollka ku sugnaayeen xag amni iyo bani'aadanimo intaba, sidaa daraadeed waan u hanbalyeeynayaa,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan.

Qeybaha bulshada ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaa marka aad sheekeysato siweyn u soo dhaweynaya joogitaanka ciidamada Jabuuti ee gobollka Hiiraan iyaga oo si gaar ah farta ugu fiiqaya amniga oo ay wax badan ka qabteen kadib markii ay soo saareen ciidamo tababar fiican qaba wax badanna ku guuleystay in ay salka ku dhigaan nabad-galyada magaalada Baladweyne.

Intii ay munaasabadu soctay waxaa halkaa lagu soo bandhigay muuqalo ka tarjumaya wax qabadka ciidamada Jabuuti iyo guulihii ay gaareen mudadii ay ku sugnaayeen gobollka Hiiraan, sida sugida amniga, dhismaha ciidamada, xoojinta iyo tayeeynta ururada bulshada, sida dhalinyarrada, gacan siinta dadka dhibaateysan, hormarinta adeegyada bulshada gaar ahaan caafimaadka iyaga oo marar badan kaalmo kala duwan gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne.

Ciidamada xoogga dalka Jabuuti ayaa waxaa la aas-aasay sanadkii 1977-kii oo hadda laga joogo 36 sano.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya