4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 30, 2013
Dowladda Soomaaliya oo ka Hadashay Mowqifkeeda Aaddan Sheekh Xasan Daahir oo ku xiran Magaalada Muqdisho


Axad, Juun 30, 2013 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa sheegtay in arrinta Sheekh Xasan Daahir Aweys ay u baahan tahay fursad si arritan xal looga gaaro, waxaana arrintaan sheegay afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya, Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

Afhayeenka oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay in go’aanno kala duwan ay miiska saaran yihiin, xaalka Sheekh Xasanna uu ku xiranaan doono hadba sida go’aannadaas ay noqdaan, isagoo ka gaabsaday inuu faahfaahiyo halka ay dowladdu u cuskanayso xal u helidda arrintan hoggaamiyihii hore ee Xibul Islaam.

“Sheekh Xasan Daahir dowladda Somalia ayaa gacanta ku haysa wuxuuna ku sugan yahay Muqdisho, waxaana loo baahan yahay in fursad yar la siiyo dowladda si xal looga gaaro arrintan,” ayuu yiri Inj. Yariisow oo intaas ku daray in dowladdu ay ilaalinayso sharafka iyo karaamada wadaadka meel wanaagsanna la dajin doono.

Afhayeenku wuxuu sheegay inay miiska saran yihiin qodobbo dhowr ah oo ay ka mid tahay in Sheekh Xasan Daahir uu ku jiro liiska UN-ka iyo midka argagaxisada ee Mareykanka, arrintan si go’aan looga gaarana ay u baahan tahay in waqti loo siiyo dowladda Soomaaliya.

“Runtii odayaashii Sheekh Xasan Daahir keenay Muqdisho dadaal weyn ayay sameeyeen, waxaana u sheegaynaa in dowladdu ay ilaalin doonto sharafka Sheekh Xasan Daahir meel wanaagsanna ay dajin doonto. Isla markaana aan diyaar u nahay inaan la fariisanno oo aan ka dhaadhicinno mowqifya dadowaldda ee ku aaddan Xasan Daahir,” ayuu afhayeenku yiri.

Ma sheegin afhayeenku in Xasan Daahir xiran yahay iyo in kale, balse waxaa weli uu Sheekh Xasan Daahir iyo xubnihii la socday ay ku xiran yihiin xabsi ay leedahay hay’adda nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed.

Su’aal ahayd in dowladdu ay aqlabayso iyo in kale, haddii Sheekh Xasan uu ku dhawaaqo inuu ka laabtay go’aannadiisii hore iyo ka tirsanaantii uu ka tirsanaa Al-shabaab, ayuu kaga jawaabay inay wax walba ku xiran yihiin hadba sida ay wadahadallada iyo qodobbada miiska saaran noqdaan.

Mar kale oo la weydiiyay inay dowladda Soomaaliya ku wareejinayso gacan kale ama dowlad kale ayaa wuxuu sheegay inaysan taasi dhici doonin ayna dowladda Soomaaliya leedahay shuruuc ay raacdo, qof Soomaali ahna aan lagu wareejin doono dal shisheeye.

Hadalka afhayeenka ayaa imaanaya kaddib kulan maanta Muqdisho ay ku yeesheen madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha iyo madaxda hay’adda nabadsugidda Qaranka, kaasoo ay uga hadleen arrimaha Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya