4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 30, 2013
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Ganacsatada uga digay in ay Magaalada Baladweyne soo geliyaan lacago been abuur ah

Axad, Juun 30, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Lanqayo oo shir jaraa'id ku qabtay maanta magaalada xafiiskiisa magaalada Baladweyne ayaa uga digay ganacsatada gobolka in ay soo galiiyaan magaalada lacago been abuur ah.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa lagu arkay suuqa safarka magaalada Baladweyne iyo goobaha ganacsiga magaalada lacago been abuur ah oo saameyn weyn ku yeeshay sarifka lacagta doolarka.

“Ganacsatada arrimahan ku lugta leh ee soo galinaya magaalada lacagaha been abuurka ah waxaa fareynaa in ay ka joogsadaan, sidoo kale ciidamada maamulka gobolka waa in ay la socdaan gadiidka xamuulka ah ee sida qarsoodiga ah loogu soo daabulo lacagaha, maamulka ayaa la wareegi doona gaari kasta oo lagu hello isaga oo soo galinaya lacagtaas magaalada,'' ayuu yiri Cabdi Faarax Laqanyo.

Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ku howlan tahay sidii ay lacag cusub u keeni laheyd, isaga oo sheegay in aan lagu jahwareerin bulshada lacagaha been abuurka ah ee  farsameeyo.

Dhinaca kale, guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan oo ka hadllayay arrimaha amniga ayaa faray makiilayaasha Hoteelada magaalada Baladweyne in ay soo gudbiyaan liiska macaamiisha Hoteeladooda, taasoo weyn ka tari karta sugida nabad-galyada, madaama ay dhici karto in ay ku soo dhuuntaan Hotelada sida uu sheegay kooxo ama shaqsiyaad doonaya in ay falal amaan darro geystaan.

Dhawaan ayeey aheyd markii ciidamada maamulka gobolka Hiiraan howlgal ay ka sameeyeen magaalada Baladweyne ku soo xir xireen dad kor u dhaafaya 100 ruux oo laga soo qab qabtay Hotelada magaalada, waxaana baaritaan kadib intoodii badneyd dadkaas dib u helleen xorriyadoodii.

Ugu danbeytii, guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa uga mahad celiyay saraakiisha ciidamada Jabuuti lacagtii ay dhawaan ku deeqeen dib u dhiska xerrada ciidamada Lama-galaay ee magaalada Baladweyne, kadib markii uu taliyaha ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan ku dhawaaqay in lacag  dhan $100,000 oo doolar ugu deeqeen ciidamada Jabuuti dib u dhiska xerrada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya