4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 30, 2013
Hay’adda SWDC oo Dad Barakacayaal ah u Qaybisay deeq ay soo dhiibeen Soomaalida ku nool London Magaalada (SAWIRRO)


Axad, Juun 30, 2013 (HOL) — Hay’adda horumarinta haweenka Soomaaliyeed ee SWDC ayaa Muqdisho ka qaybisay deeq dhar ah oo ay soo dhiibeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada London ee xarunta dalka Britain , iyadoo deeqdan ay ka koobnayd dharka haweenka, raga iyo kuwa caruurta, waxaaana la socday kabo iyo bustayaal.

Deeqdan ayaa waxaa soo ururinteeda ka qaybqaatay gabdho Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London, kuwaasoo kala ah: Caasho Diini Cawaale, Khadiijo Aadan, Caasho Maxamed Diini, Khadiijo Xamuud iyo Maama Xalwo waxayna dhammaantood la shaqeeyaan Cabdi Muuse Maaxay oo ah Sama-fale taakuleeya dadka dhibaateysan.

Maryan Dakhal Xuseen oo ah isku xiraha dhinaca Haweenka ee Hay’adda SWDC ayaa u mahadcelisay gabdhaha Soomaaliyeed ee deeqdan dharka ah soo dhiibay, iyadoo sheegtay inay si aad uga damqadeen walaalahood ku dhibaateysan gudaha Soomaaliyeed, waxay kaloo sheegtay in deeqdan loo qaybiyay 19-kaam oo ay ku jiraan dad barakacayaal ah kuwaasoo ka kala yimid 16-ka degmo ee gobolka Banaadir

“Deeqdan waxay ka koobneyd 28-bundadood oo ay ku jiraan noocyo kala duwan oo dhar ah, kabo iyo bustayaal,“ ayay tiri Maryan Dakhal oo sheegtay in dadka loo qaybiyay ay gaarayeen illaa 500 oo Qoys kuwaasoo qaar ka mi dah deeqda lagu siiyay xarunta hay’adda SWDC kuwa kalena loogu geeeyay kaamamkooda.

Dadkii ay gaartay deeqda ayaa u mahad-celiyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee London, gaar ahaan gabdhihii Soomaaliyeed ee soo ururiyay deeqdaas kala duwan, waxayna ka dalbadeen inay sidan oo kale wixii ay awoodaan ugu soo dhiibaan, maadaam aay ku dhibaateysan yihiin gudaha dalka.

Ugu dambeyn, Maryan Dakhal ayaa jaaliyadaha kale ee Soomaaliyeed ugu baaqday inay ku daydaan gabdhaha Soomaaliyeed ee soo dhiibay deeqdan ee ku sugan magaalada London, sidoo kale waxay ugu baaqday hay’adaha samafalka , ganacstada iyo dowladda federaalka inay gargaar ballaaran u fidiyaan dadka Soomaaliyeed maadaama ay foodda nagu soo haysa bishii barakeysneyd  ee Ramadaan.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya