4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2013
DUUR: “Shalay Waxaa i saarnayd Mas’uuliyadda Amniga, Maanta Waxaan u daba-fadhiyaa Wasiirka cusub ee la magacaabay”

Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Wasiirkii hore arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa maanta xilkii ku wareejiyey wasiirkii cusbaa ee loo soo magacaabay wasaaradda Cali Maxamed Warancadde.

Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa sheegay inuu dhibaatooyin badan kala kulmay shaqadda wasaarada,isla markaana bari ilaa galbeed uu u maray ilaalinta nabadda iyo dhawristeeda, taas oo uu xusay inuu casharo badan uu ka helay mudadii uu xilka hayey.

“Waxaan wareejinaya amaano culus, waxaana ilaahay ka baryeyaa mudadii aan hayey igu asturay in kuwa iga dambeeyana ku asturo, oo waayo adag ayaa igu soo maray wasaarada, duruus iyo cirro ayaan ka korodhsaday, aad baan ugu faraxsanahay, dacalada Somaliland  bulshada bari ilaa Galbeed ayaa mid walba la fadhistay anigoo nabadda raadinaya, casharaan ka bartay ii dhaxal noqon doonna, waxay I dhaxalsiisay in aan nabad dhawre noqdo”ayuu yidhi mar uu ka hadlayey shaqaddii adkeed ee ka soo martay wasaaradda mudadii uu xilka hayey, waxaanu intaas ku daray “shalay waxa la iga rabay masuuliyadda amniga qaranka, maanta aniga wasiirka cusub u daba fadhiya oo amnigaygu saaran yahay, culays badan baa iga degay, oo markii xilka la ii dhiibay iyo markii laga qaaday marka la iga qaaday ayaa fudud oo culays badan ayaa I hayey, qarankana waa kii aan shalay taageersana anigoo xilka hayey iyo imika oo aan ka tagay waan taageerayaa, madaxweynaha waxaan uga mahadcelinayaa anigoo codsan cidna ii geynayn inuu ii dhiibay xilkii ugu adkaa, maantana inuu iga nasiyo abaal baan ugu hayaa, waana sunaha dawladnimo, waxaana ku biiraya bulshadda nabada jecel ee dusha ka ilaaliya, waxaan dusha ka ilaalinaya inuu qaranku guulaysto”

“Haddii la iga filayey in sidii nin cadhaysan u hadlo ciddii iga sugaysay ha raali ahaato, xilkana amaanno ayaan u aqaanaa oo ama ilaahay baa ka qaada ama cidii ku dhiibtay baa ka qaadda”ayuu yidhi oo si duur xul ah ula hadlayey siyaasiyiinta mucaaradka ah oo uu sheegay inay filayn inuu si cadho leh uga hadlo xil wareejinta.

Sidoo kale, waxa iyaguna ka hadlaya wasiirka Cusub Cali Maxamed Warancade oo sheegay inuu xoojin doono amniga , isla markaana ka shaqayn doono isku keenida qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirkii hore Maxamed Nuur Caraale Duur, ayaa mudadii uu xilka hayey la kulmay shaqaaqooyin beelaha dhexdoodda ka dhacay iyo dilal badan oo deegaanadda ka dhex dhacay kuwaas oo intoodda badan ku guulaystay qaar kalana ilaa hadda aanu xal u helin, haseyeeshee wuxuu noqday masuul caan ku noqday aftahanimo ku xeel dheer la garnaqidda oday dhaqameedyadda xurguftu dhexmarto  oo uu mudadii uu xilka hayey caan ugu noqday goobaha khilaafyadu ka taagan yihiin ee Somaliland, haseyeeshe ilaa hadda waxa taagan oo la dhamayn khilaafkii deegaaneed ee ka taagan degmadda Saylac oo doorashadii golaha deegaanku kaliftay in dhiig badani ku daato walina aan xal loo helin.

Sidooo kale, wasiirkan cusub ee Cali Warancade ayaa ah wasiir xukuumadihii kala dambeeyey la soo shaqeeyey, isla markaana aad ugu dhowaa madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale kaahin, isla markaana ka mid ahaa madaxdi xisbigii UDUB imikana ka mid ahaa xisbiga WADANI.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland