4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2013
Dagaalkii Magaalada Kismaayo oo Dib u Qarxay iyo Madaafiic Culus oo laga maqlayo gudaha Xaafadaha Magaaladaas

Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Hugunka madaafiicda culus ayay saakay kusoo kaceen dadka ku nool magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, taasoo daba socota dagaalkii shalay gellinkii dambe ka billowday magaaladaas.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dagaalku uu si caadi ah dib u billowday saakay, xaafadaha magaaladana laga maqalyo madaafiic culus iyo rasaasta fudud.

“Dagaalkan waa mid culus, dadka qaarkoodna waxay billlaabeen inay isaga barakacaan guryahooda si ay uga nabad dagaal xabadda,” ayuu yiri Cumar Salaad oo ka mid ah dadka ku nool Kismaayo oo la hadlayay warbaahinta.

Hoggaamiyeyaasha dagaalku u dhexeeyo ayaan ka hadlin dagaalka iyo wixii khasaare ah ee ka dhashay, balse afhayeenka kooxda Raaskambooni oo si kooban ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalku uu dhexeeyo koox ay soo abaabushay dowladda Soomaaliya oo ay wehlinayaan dagaalyahanno Al-shabaab ah iyo ciidamada maamulka Jubaland.

“Go’aankeennu waa inaan magaalada oo dhan ka saarno cid walba oo kasoo horjeedda Jubbaland, dagaalkana waan soo afjaraynaa,” ayuu yiri C/naasir Seeraar oo la hadlay warbaahinta Muqdisho isagoo ku sugan magaalada Kismaayo.

Dagaalkii shalay ka dhacay Kismaayo ayaa waxaa ku dhintay lix qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah, iyadoo la gaarsiiyay isbitaalka Kismaayo dhaawacyada dad fara badan oo isugu jira ciidamadii uu dagaalku u dhexeeyay iyo shacab.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismaayo ayaa dusha sare ka eeganaya dagaalka u dhexeeya dhinacyada Soomaalida ah ee isku haysta maamulka magaalada Kismaayo, inkastoo lagu eedeynayo inay dhiancyadan midkood la safan yihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya