4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 28, 2013
Ciidamada Kenya ee Qaybta ka ah AMISOM oo xiray Abaanduulihii ciidanka Dowladda Soomaaliya ee Gobollada Jubbooyinka


Jimco, Juun 28, 2013 (HOL) — Ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM ayaa maanta xabsiga dhigay abaanduulihii ciidamada xoogga dalka ee gobollada Jubbooyinka, Col. Cabbaas Ibraahim Gurey, iyadoo la sheegay in xariggiisa uu xiriirinayo dagaalkii dorraad ka dhacay magaaladaas.

Col. Cabbaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa gobolka Gedo ayaa la sheegay in dhawaan uu gaaray Muqdisho halkaasna uu kula soo kulmay madax iyo saraakiil ka tisran dowladda Soomaaliya.

Xarigga abaanduulaha ayaa la sheegay inuu xiisad ka dhaliyay magaaladaas iyadoo ciidamada dowladda ee ku sugan Kismaayo ay billaabeen dhaqdhaqaaq ay ku muujinayaan inay ka xun yihiin xarigga abaanduulaha.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Kismaayo ayaan wax lug ah ku lahay dagaalkii dhawaan ka dhacay magaaladaas, kaasoo u dhexeeyay taageerayaal kala taabacsan Col. Barre Hiiraale iyo Sheekh Axmed Madoobe oo isku haysta xilka madaxweynenimo ee maamulka Jubbaland.

Ilo wareedyo ku sugan Kismaayo ayaa HOL u sheegay in abaanduulaha ay saakay u yeereen ciidamada Kenya ee AMISOM ka tirsan, kaddibna ay xabsiga dhigeen, iyadoo taasi ay sababtay xiisado kacsanaan ah oo ka jira magaaladaas.

“Waxaa jirta cabsi laga qabo inuu dagaal dhaco oo magaalada ka taagan, goob walba waxaa ku sugan ciidamada dowladda oo aad u hubeysan, lama garanayo sida xaalku noqon doono,” ayuu yiri goobjooge ku sugan Kismaayo oo la hadlay HOL.

Magaalada Kismaayo oo dhammaadkii sannadii hore lagala wareegay kooxda Al-shabaab ayaa xilliyadii ugu dambeeyay ka taagnaa xiisado u dhexeeya kooxo isku haysta maamulka degmadaas, iyadoo dowladduna ay dhowr jeer oo hore ku baaqday in colaado aan laga abuurin degmadaas.

Wararkii ugu dambeeyay ee la helayo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay Col. Cabbaas u duuliyeen deegaanka Ceel-waaq ee gobolka Gedo, iyadoo aan la ogeyn sababta ay halkaas u geeyeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya